960 Views

Lix cisbitaal oo kuyaal Hindiya ee Delhi oo gebi ahaanba ka dhamaaday Oksijiinkii

Lix cisbitaal oo kuyaal Hindiya ee Delhi oo  gebi ahaanba ka dhamaaday Oksijiinkii
____________________________________________________________________________

.

April 23-2021

Lix cisbitaal oo kuyaal caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa gebi ahaanba ka dhamaaday Oksijiinkii ayadoo dhakhaatiirtuna ay sheegeen in cisbitaallo kale ay qarka u saaran yihiin in Oksijiintu ay ka dhammaato.
Dad badan ayaa dhintay intii ay sugayeen in oksijiin lala soo gaaro, halka in ka badan 99% ay buuxsameen sariiraha daryeelka xaaladaha deg degga ah.
Hindiya ayaa la daalaadhacaysa mowjad labaad oo caabuqa Covid-19 ah, waxaana talaadadii la diiwaan geliyey rikoorkii ugu badnaa ee kiisas cusub ah caalamka oo idil.
Dalkaas ayaa diiwaan geliyey ku dhawaad 16 milyan oo caabuqyo la xaqiijiyey ah.
24 kii saac ee ugu dambeeyey waxaa dalkaas laga diiwaan geliyey 314,835 oo kiisas cusub ah, halka dhimashadana ay sare ugu kacday 2,104.
Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in masuuliyiinta gobolkaas ay joojinayaa haamaha oksijiinta ee loo gudbiyo gobollada kale, sida uu sheegay TV-ga gobolka Delhi ee NDTV.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post