3597 Views

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu Itoobiya u kaashanayo dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu Itoobiya u kaashanayo dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 March 2016: C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Itoobiya iyo Madaxa Sirdoonka, isagoo kala hadlay sidii dowladda Itoobiya ay taageero u siin laheyd Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dr.Gaas oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahayeen dagaalka Al-Shabaab.

“Dhibta Puntland soo gaarta, Itoobiyana waa soo gaareysa, waxaa ka wada hadalnay inaan iska kaashano dagaalka Al-Shabaab, hal cadaw ayaa leenahay, waxaa fileynaa in aysan hagran doonin awoodooda oo ay na taageeraan”Madaxweynaha Puntland.

Wararka qaar na soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu weydiistay Itoobiya Ciidamo kala qeyb gala dagaalka ka socda deegaano ka tirsan Nugaal iyo Bari, halkaasoo ah goobo buuraley ah, isla markaana Ciidamada Puntland muddo afar maalmood dagaal kula jiraan Al-Shabaabki soo gaaray xeebaha Puntland.

Madaxweyne, C/wali Gaas ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Garowe, si uu u sii xoojiyo gulufka Puntland uga hortageyso fiditaanka Al-Shabaab ee deegaanada xeebaha ah.

Dagaaladii labadii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayay Togga Suuh iyo aagga Godob-Jiiran ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac kala gaaray, inkastoo Puntland ay sheegatay in dagaalyahano badan ka dileen Al-Shabaab in kastoo an war bixin cad la haynin.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment