5073 Views

Warmurtiyood kasoo baxay oday dhaqameedyo Somaliyeed oo Muqdisho kadhacay

Warmurtiyood kasoo baxay oday dhaqameedyo Somaliyeed oo Muqdisho kadhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 30, 2016 – Shirkaan Muqdisho ay ku yeesheen qaar ka mid ah  Madaxda dhaqanka somaliyeed ayaa looga arinsanayey Meeqaamka uu leedahay Gobolka Banaadir iyo hadal ka soo yeeray dhawaan Qaar ka mid ah duqeyda dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxdhaqameyd matalayey dhamaan Gobolada dalka, sida Ugaasyo, Suldaano, Boqoro, Culumaaudiin, Dhalinyaro, Haween iyo Waxgarad kale oo shirka lagu casuumay.

Suldaan Cumar Xaaji Xasan Gardheer oo shirka furey ayaa faahfaahinta ka bixiyey aragtida masiirka caasimada.

Qaar ka mid ah dadkii kulan ka ka hadlayey ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sheegato qolo gaar ah balse isla goobtii raali galin lagu siiyey.

Ugu danbeyntii ayaa warmurtiyeed si waa jir ah u soo saareen saxaafada u aqriyey Suldaan Cumar Xaaji Xasan Gardheer oo ka mid ah salaadiinta Somaliyeed .

Waxaana sidoo kale ka hadlay Ugaas ka beesha Duduble Ugaas Saciid Ugaas Faarax, Caaqil Qaalid Cabdi Jimcaale oo ku hadlayey Magaca beesha Xawaadle.

Xildhibaan hore Cali Seeko “Faarax Maxamed waxaa magaalada ku la heyn fury aha ku yaal boqol kiiba 60 Halka maanta ay naga joogaan in yar oo xil doon iyo dadka kale oo guryo iyo beer soona”

Suldaan Saciid Dhaliil iyo talo soo jeedin maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay in uu dhigo gogol Soomaaliyeed oo loogu heshiisiinayo  bulshada.

Beelaha Digil iyo Mirafle ayaa si aad ah u soo dhaweysay arimaha dib u heshiisiinta iyo hanti u isu celinta shacabka Soomaaliyeed si qilaafaadka dalka uga baxo.

Cabdisalaan Bare Maxamuud ayaa isna dhankiisa walaac xoogan ka muujiyay Waxuuna sheegay in gudoomiye wareegto lagu Magacaabayo uu san awood u la heyn in isne uu wareegta cidna xil ugu magacaabin Karin.

Nabadon Uunsane beelaha Banaadir isa gudigii uu magacaabayo hakala fiirsada hadii kale dhibaato ayaa dhaceysa.

Suldaan Maxamed Muuse Suldaan kugu loox oo matalayey Beesha Shiiqaal ayaa ka mahadceliyey Gogosha ay dhigtay Beelsha Karanle Hawiye.

 

Drs Xamza Axmed magaca haweenka  ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay hadalka ka soo yeeran qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka oo sheegay in dadka Soomaaliyeed qaar kii Muqdisho marti ku yihiin taas wxayna sheegtay in ay go’aankaas ka laabtaan.

Boqor Faarax Cabdi Guure ayaa bulshada ugu baaqay in ay muujiyaam isu tanaasul.

Cabdulaahi Dheere afhayeen kii hore ee siyaasada odoyaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ka soo horjeestay hadal kii ahaa Muqdisho marti ayey ku yihiin inta aan Hawiye aheyn Cabdulaahi Dheere ayaa intaa ku daray hadal kiisa in aan Muqdisho lakala la heyn ee ay tahay caasimada dalka.

Ugu danbeytii Warmurtiyeed laga sosaaray shirka oo saxaafada loo qeybiyey ayaa u qornaa sidaan.

###########

Shirwaynaha Beelaha Soomaaliyeed 

Ujeedo: Aragtida masiirka caasimada Muqdisho 

Muqdisho, 30 Marso 2016 waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ayaa isugu yimid maanta shirwayne ay  uga arrinsanayaan masiirka caasimada Soomaaliya.

Waxgaradka kasoo qayb galay shirwaynaha waxay hoosta ay ka xariiqeen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso:

Muqdisho  waa caasimada ummada Soomaaliyeed, waa astaan kamid ah astaamaha qaranka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, waa xarunta hayadaha federaalka jamhuuriyada Soomaaliyeed, waa fadhiga safaaradaha caalamka ee aan xiriirka diplomaasiyeed la leenahay, waa saldhiga hayadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka howl gala Soomaaliya.

Muqdisho waa magaalo madaxda ka dhaxaysa dhamaan ummda Soomaaliyeed, waxaana hanta maguuto ah iyo maalgashiba kuleh Soomaali oo dhan, kaabayaasha waaweyn ee dhaqan dhaqaale ee kuyaala Muqdisho waa hanti qaran.

Qodobka 9aad ee dastuurka KMG ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya wuxuu si cad uqeexayaa in Muqdisho yeelan doonto maqaam gaar ah, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed. 

 

Hadaba Beelaha Soomaaliyeed ee degan caasimada Muqdisho waxay soo jeedinaayaan qodobada soo socda.

In Beesha Hawiye ay horseed unoqoto dib u heshiinta, nabad kuwada noolaashada ummada Soomaaliyeed ee dagan caasimada, kana fogaato wax kasta oo dhaawici kara soo noolaynta sharafka iyo maqaamka caasimada.

In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si deg deg ah ugu dhaqaaqo dejinta sharciga maqaamka caasimada Muqdisho si loo dar dar geliyo dib u heshiisiinta ummada iyo federaalaynta dalka.

In dejinta sharciga maqaamka caasimada laga talo geliyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

In beelaha Soomaaliyeed ee degan Muqdisho ay iska kaashadaan horumarinta, dib u dhiska, xasiloonida iyo soo celinta bilicda caasimada si hufana uga qeyb qaataan wada tashiyada la xiriira dejinta sharciga maqaamka caasimada si loo xaqiijiyo in ay helaan xuquuqooda oo taam ah.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

oday-dhaqameedyo-muqdisho-1 oday-dhaqameedyo-muqdisho-2 oday-dhaqameedyo-muqdisho-3 oday-dhaqameedyo-muqdisho-4 oday-dhaqameedyo-muqdisho-5oday-dhaqameedyo-muqdisho-6 oday-dhaqameedyo-muqdisho-7 oday-dhaqameedyo-muqdisho-8 oday-dhaqameedyo-muqdisho-9 oday-dhaqameedyo-muqdisho-10 oday-dhaqameedyo-muqdisho-11

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment