3465 Views

“Ciidamada qalabka sida duulaan ayay ku qaadeen Al-Shabaab”

“Ciidamada qalabka sida duulaan ayay ku qaadeen Al-Shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 1, 2016 Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu xalay bilowday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo tan iyo shalay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayay deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Khudbad uu xalay ka jeediyay Madaxweynaha Munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ayuu kaga dhawaaqay in saacadaha soo socda la maqli doono war ay ku farxaan shacabka, isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan duulaankaas.

“Saacadan aan joogno waxaa rabaa inaan idin sheego ciidamada qalabka sida iyo kuwa saaxibadeena ah waxay weerar ka wadaan meelo badan oo ka mid ah dalka, waxay ciidamaneena ku maqan yihiin cadaw aad u dhiban inay dalka ka qabtaan, war aad ku faraxdaan iyo faah faahin ayaa maqli doontaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada howl galada wada ay hogaaminayaan saraakiil iyo mas’uuliyiin, kuwaasoo ka soo jeeda gobolada dalka.

“Ciidamada duurka ku maqan waxaa la socda dad Mas’uuliyiin waa weyn oo ka soo jeeda gobolada dalka, oo aan xamar laga dirin qaarkood, meelaha cadawga duulaanka looga qaaday waxaa ka mid ah Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in saacadihii u dambeeyay u jiheysteen deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha ciidamada dhaq dhaqaaqyada ka wadaan ka mid ah deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka, bariga Gobolka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhaxe.

Ma jirto illaa iyo hada faah faahin rasmi ah oo laga haayo howl galadaas, marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha, iyadoo deegaano ay horay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM ay bilooyinkii la soo dhaafay isaga soo baxeen, markii weeraro kala kulmeen Al-Shabaab.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment