3912 Views

Wasiirka A. Dibadda Itoobiya, Axmed Madoobe iyo Ergeyga QM oo ku si jeeda Garowe

Wasiirka A. Dibadda Itoobiya, Axmed Madoobe iyo Ergeyga QM oo ku si jeeda Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 3, 2016 Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta lagu wado inay gaaraan wafuud heer sare ah oo ka socda Beesha caalamka, si ay goob joog uga noqdaan heshiis la sheegay in laga gaaray hanaanka doorashada u dhaceyso sanadkan.

Wararka ayaa sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom uu tegi doono Garowe.

Waxaa kaloo lagu wadaa in Garowe uu gaaro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo xulufo ay yihiin Puntland iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating.

Shirarki u dambeeyay uga socday magaalada Garowe dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ahaa kuwo adkaa oo labada dhinac isku mari la’aa, waxaana la soo sheegayaa in hada ay jirto waxoogaa isu soo dhowaansho ah, isla markaana la gaaray is afgarad.

Waxaa kale la sheegayaa in Puntland loo ogolaaday shuruudo ay ku xirtay qaadashada nidaamka 4.5, hase ahaatee shuruudaha qaar ayaa laga diiday.

Dad ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in shuruudaha Puntland hor-dhigtay nidaamka 4.5 waxaa ka mid ah deeqaha caalamiga ee la siiyo dowladda Federaalka qeybteeda si toos loogu keeno iyo mashaariic kale.

Wararka qaar na soo gaaray ayaa sheegaya in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qabanayo shir ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda, Madaxda Maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka, waxaana shirkaas looga hadlayaa hanaanka doorasho ee Soomaaliya iyo qariidada loo mari doono.

Magaalada Garowe ayaa laga hadal hayaa wafuuda ku soo wajahan, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada in kastoo an la ogeeyn mudada uu wafdigaan joogi doono.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment