5067 Views

Madaxweyne Xasan oo soo dhoweeyay heshiiskii Soomaaliya iyo Puntland

Madaxweyne Xasan oo soo dhoweeyay heshiiskii Soomaaliya iyo Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 4, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ee ku aaddan qaabka doorashada ee sannadka 2016-ka.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa la sheegay in heshiiska Garowe uu yahay tallaabo dhabaha u xaareyso inay sanadkan dalka ka dhacaan doorasho loo dhan yahay.

“Waxaan si diiran u soo dhoweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Soomaaliya ay sannadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Heshiiskaan waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ee ay ku xalisanayaan arrimahooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Shalay ayay aheyd markii War saxaafadeed kan la mid ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu bogaadiyay qaadashada Puntland ee nidaamka 4.5, xilli lagu waday in Garowe lagu saxiixo shalay galab heshiiska.

Hase ahaatee hadalka Madaxweynaha ayay Puntland u aragtay mid laga hor-dhacay, isla markaana qodobo ka mid ahaa heshiiska uu Madaxweynuhu iftiimiyay inay u baahan tahay in laga wada hadlo oo ay qabyo qoraal yihiin, waxaana C/wali Gaas oo hadlay markii heshiiska la saxiixay uu ku sifeeyay hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh mid si ula kac ah lagu fashilinayo heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskii Garowe ayaa Puntland siinaya awood buuxda oo ay ku soo xulan karto xubnaha deegaanadeeda ka imaanaya ee Aqalada sare iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo dooran doona Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Sida arrinta Puntland iyo Soomaaliya ay u socoto, waxaa muuqato in dhibaato hor leh ay ka soo socoto waxa lagu sheegayo doorashada 2016.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment