3225 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika looga hadlayo

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika looga hadlayo
____________________________________________________________________________

Addis Ababa, 15 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia oo beri uu ka furmi doono Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa looga hadli doonaa doorka qaaradda Afrika ee amniga caalamka iyo hawlgallada nabad ilaalinta.

Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madashan ay madaxda Afrika isku dhaafsadaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartoum ee dalka Jamhuuriyadda Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah oo laba maalmood ku joogay.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment