4377 Views

Ciidamadu waa laf dhabarka Qarankeena

Ciidamadu waa laf dhabarka Qarankeena
____________________________________________________________________________
Qormadaan waxay kusoo baxday bogga Qaranimo Online – Monday 9 September 2013  

Toronto | QOL – Siyaasadda Noocyada cusub ee gumeysiga waxaa ka mid ah in laysaga kaa dhigo saaxiib daacad ah isla markaana hoos lagaa jalaafeeyo. In lagu kala qaybiyo oo qayb kasta si gooni ah loola heshiiyo. In ciidamo lagu dul-dhigo, ciidan qaran in aaad sameysatana laguu diido iyo arima kale oo badan.

Soomaaliyey hurdada ka tuusa,  qob moos ah ayaa laydiin tuuray, qabiil-qabiil iyo gobol-gobal ayaa laydiin qaybiyay oo layskugu kiin diray, adinka ayaa isku jeedaan,  dalkeenana meelaha qaarkood waa la qabsaday, oo kheyraadkiisii oo aan weli la soo saarin ayaa dabadhilifyo anaga naga mid ah iyo dowlada kale ayaa ku gorgortamayaan. Meelihii  kheeyraadku ku jiray  ayaa la qorsheynayaa in laga tirtiro oo laga gooyo Maabka Qarankeena.

SADAX SANO iyo dheerad ka dib, Madaxda dalka waxay ogaadeen in ay muhiim tahay in la dhiso CIIDAMO QARAN oo dhab ah. >>> AKHRI QORAALKAN >>> Madaxweyne Xasan “Macquul ma ahan in 10 san oo kale ay AMISOM sii joogto Soomaaliya”

Dowladaha qaarkood ayaa u soo tafaxeytay in ay qabsadaan meelaha hodanka ku ah khayraadka dhabiiciga ah ee dalkeena ee uu ku jiro shiidaalka(Badroolka) iyo khayraadka kale. Waxay  doonayaan in ay yareeyaan Soohdin-Badeedka  aan dowladaha caalamka la leenahay oo ah, ilaa 200 nootikal miles , ayaga oo doonaya in ay ka dhigaan 12 nootikal miles,taas oo u jeedadeedu ay tahay in ay qaataan inta shidaalka iyo kheyraadka kale ay ku jiraan, kadibna aan marti , shaqaale iyo madiidan u noqono ayaga.

Magaciin ha jiree  hurdada ka toosa, gacmaha is qabsada, midooba, dagaalada iyo cadaawada dhexdiina ah joojiya oo meel dheer  wax ka fiiriya.

Mee sharafteenii, mee magicii Soomaaliyeed ee aan ku faani jirnay, mee gabdhaheenii geesiyaasha,ahaa, halganka gobanimadoonka dalkeena horseedka ka ahaa, quruxda badnaa ee aan haybadooda, sharaftooda iyo hanaanka qalab-qaadka fiicnaa. Ma horteena  lagu kufsanayaa,ma horteena lagu gumaadaya, ma hub halis ah lagu duqeynaya ayada oo aan loo aaba yeelin, caruur, duumar,waayeel, dad iyo duunyo.

Ilaahey wuxuu na siiyay dhul  aad u weyeen oo ah 637 657 Km sq. iyo bad baaxad weyn oo ay ka buuxaan khayraad farabadan. Maxaad ku dagaalameysaan ? qof kasta meeshii uu doono ha dego, ha ka qoto beertiisa, oo haddii u doono ha ka kaluumeeysto.  Marka aan kheyraadka badeena iyo berigeena ku jira soo saarano, kuwa hadda doonaya in ay qasabsadaan dalkeena, anaga ayey noo shaqeen doonaan, martina noo noqondoonaan. Waxaan ku gaari karnaa  midnimo iyo is jaceel.

Waxaan qaybtii hore ku sheegay in Ciidamada Qaranku ay yihiin lafdhabarka qaranka, la’antoodna aysan suurta gal ahayn in aan noqono sida dowladaha caalamka oo kale  oo leh ciidan suga amaanka dalkooda  kana difaaca cadawga debada iyo gudahaba.

Waxaan mararka qaarkood maqalnaa, intaa oo tira ciidan Soomaali ah ayaa tabar loo xiray.Sida aan  qaybtii koobaad ku sheegay sida caadiga ah tabarka ciidamadu waa sedax heer, maadaama ay nasaarantahay cunaqabateenta hubka iyo technikada dagaalka suurta gal ma aha ciidamadeenu in ay qaataan tababarka heerka koobaad qaar ka mid ah xataa.

Ciidamadu hadii ay san laheen tababar isku dheelitiran oo dhan lasta ah isla markaana aysan heysan hub u suurtagelin kara fulinta iyo gacansareenta  noocyada dagaalka (difaac ama weerar) ma lagu tilmaami karo ciidan qaran oo diyaar u ah diffaaca qaranka.

Marka aan ka hadlo AMISOM, si  aad ah ayey u mahadsanyihiin, gurmadka ay noo soo gurmadeen iyo dadaalka ay ku dadaaleen in ay sugaan nabadgelyada Caasimada dalkeena Mogadishou iyo degmooyin kale.  Haddi aysan jirilaheena  xaalada nabadgelya-la’antu inta ay hadda tahay waa ka darnaan laheed.

AMISOM waxay nacaawineysay 2007 – hadda,askar badan ayaan uga dhimatay diffaaca iyo nabadeenta dalkeena iyo dadkeena, wax la iloobi karana ma aha, taariikhda ayaana sheegi doonta gargaarkooda Bini Aadannimo.

Marka aan dhanka kale ka fiirino AMISOM balanqaadkeedii waxaa ka mid ahaa in ay noo tababaridoonaan ciidan qaran kadibna ay xilka ku wareejin doonaan, wadamadii ay ka yimaadeena ay ku noqondoonaan. Wax waqti ah oo joogitaankooda loo qabtay ma jirto, mar kastana  waa loo cusbooneysiiya mudada joogitaankooda, tiradoodana wa la soo badiyaa. Sida daacadnimadu ku jirto waxaa loo baahnaa in sanadkasta tiradooda la yareeyo laguna bedelo ururo ama guutooyin ka tirsan ciidankeena, taasi ma dhici karto  sababta oo ah ma heysano ciidamadii ay xilka ku wareejilahayeen oo  ay balanqaadeen in ay diyaariyaan.

Anagu hadii aan soomaali nahay waxaan ka mid nahay dowladaha Afrika ee haysta Saraakiisha ugu aqoonta badan xaga tababarka ciidamada iyo aqoonta xirfadaha kala duwan ee noocyada ciidamada, laakiin waxaan u baahanahay, hubkii  iyo technikadii dagaalka ee lasiin laha ciidamada, si loogu tababaro.

Ciidamada AMISOM –na  ayaga oo mahadsan ayey  dalalkioodii dib ugu laabanlahaayeen, haddii kale abidkood ayey dalkeena joogi doonaan.

Haddii aan tusaale u soo qaato 1960Kii markii aan xurnimada qaadanay , oo dawldihii Talyaaniga iyo Engriisku dalkeena ka bexeen, waxay  ka tageen ciidama tabaran kuna qalabeysan hub iyo technika dagaal oo la jaan qaadi karta ciidamada dowladaha deriska ah, kuna  filan ka difaaca dalka cadawga dibada iyo gudaha. Isla markaana sugi kara nabadgelyada Goblada iyo degmaayinka dalkeena.

Hadda AMISOM oo ka kooban dowlado Africaan ah oo aan walaalo iyo saaxiiba nahay.

Meeqa sano ayey joogaan? Maxaa ciidan ah oo ayga bedeli karo oo ay noo tababareen?

Goorma  laga maarmayaa oo ay dalkeena ka baxayaan?

F .G.: Ilama aha in laga maarmayo AMISOM in ay ka baxaan dalkeena inta aan ka yeelaneyno  Ciidan qaran oo ku hubeysn hub  no suurtagelin kara sugida amaanka qaranka .

Waxaa xusid mudan sida walaalnimada ah ee ay Dowlada Turkia, shacabka turkia ay noogu fidiyeen gargaar  walaalnimo, sida qoos kasta oo turki ahi  uu  masaariiftii qooskiisa  qayb ka mid ah ugu deeqay maatada Soomaaliyeed ee walaalohood ah. Waxaa shacabka Soomaaliyeed aad ugu faraxsanyahay,sida ay iskugu taxalujiyeen in ay afka u geliyaan, ku quudiyaan kuna hubsadaan deeqda ay bixiaayaan maatada Soomaaliyeed ee macluusha iy gaajada u dhimaneysa. Waxay isku taxalujiyeen in ay dhisaan isbitaalo, dugsiyo wax barasho. Dadka qaxootiga aah waxay u fureen tababaro ay ku barayaan xirfado ay ku shaqeysankaaraan nolol maalmoodkooda. waxaa la yiraa ninka rootiga ku siiya iyo kan ku bara sida loo sameeyo, waxaa kuu fiican kan ku bara.   Waxay turkia u qaadeen arday badan oo Soomali ah oo soo baranayo xirfaado kala duwn, kuwaas oo qaarkood soo dhameen rabaan.

Waxay deeqa tababar ciidan u fidiyeen Saraakiil, L/saraakiil oo ay doonayaan markii ay tababarka soo dhameystaan in ay dhismaha iyo tababarka ciidamadeena ka qayqaataan.

Waa jiraan dowlada kale oo dhaqaale aad u badan Soomaaliya ku bixiay, laakiin meel ay ka baxday lama yaqaaan, dadka kama muuqato dalkana kama muuqato inteeda badan. Sanad kasta waxaa la yiraahdaa waa la xaday. Cid weli maxkamad la soo taagana ma jirto.

Balanteenu waa halgan, Midnimo iyo Guul, Wa bilaahi toowfiiq –  Nabadgelyo

.

.

 

 

By: Col.  Mohamed Farah Ali (Aliyow)

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment