9360 Views

Man city vs Real Madrid oo ku kala baxay 0-0 Xili Ronaldo ay tabeen Real Madrid

Man city vs Real Madrid oo ku kala baxay 0-0 Xili Ronaldo ay tabeen Real Madrid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 27, 2016 – Kulan ka Tirsan Meertada 1 ee Sami Finalka Champions League 2015-2016 ayaa dhexmaray Kooxaha ka kala dhsan Wadamada ENG iyo Spain ee Man city vs Real Madridwaxaana Ciyaartaan oo aheyd mid adag ay ku soo idlaatay Waqtigii loogu talagalay 0-0 Taasoo ka dhigan in Lugta 2 ay noqon doonto mid adag oo koox kasta wixii ay la timaado ka saacidi doonto inay u talaabaan Finalka.
Qeybtii hore ee ciyaarta Labada Koox walow ay ku kala nasteen 0-0 hadana waxa ay aheyd mid ay labada dhinac aad isku ilaalinayeen oo koox kasta ka carareysay in Goolka looga hormaro walow ay u muuqatay Kooxda martida loo ahaa ee Man city inay Cadcadeyd qeybtaan,waxana intii lagu guda jiray qeybta Hore ka baxay D.Zilva Xidigooda Qadka dhexe oo dhaawac Muruqa ah Garoonka looga Saaray
Real Madrid ayaa tabeysay Xidigooda u fadhiyay Kursiga Keydka 7 Ronaldo oo aan  ka dhex muuqan Kulankaan,waxaana qeybtii danbe markii la isagu soo laabtay ay Real Madrid iyo Man city isku qaadeen weeraro kala duwan.
Goolhayaha Qaranka Ingiriiska iyo Naadiga Man city Joa Hart ayaa xalay ahaa Halyeeygii samatabixinta Man city waxaana uu koxodiisa ka difaacay 2 Fursadood oo midii danbe  u muuqatay Gool ka dib Markii kubada  uu ka saaray Pepe Difaaca Real Madrid iyo Qaranka Portuqal oo Goolka afkiisa kubad lugtiisa sii raaciyay uu ka badbaadiyay Goolhayah Man city.
Real Madrid ayaa qudheedu halis ay gashay Dhamadkii ciyaarta ka dib Markii weeraryahanka Qaranka Biljam iyo Kooxda Man city De Bruyne uu laad aad u kulul  ku karbaashay Goolka Real Madrid hase ahaate kubadaasi waxaa iska saaray Goolhayaha Naadiga Real Madrid iyo Xulka Costa Rica Navaz,waxaana Ciyaartii ay ku soo Gabagabowday 0-0.
Lugta 2 ee sami finalka ayaa ka dhici doonta Garoonka Santiago Bernabeu ee Naadiga Real Madrid,waxaana kulankaan ay kooxda Madrid ku soo baxaan oo kaliya Guul,halka Man city oo ka rajo dhow ay ku soo bixi karto Barbardhac 1-1 ama 2-2 iyo wixii ka sareeya la arki doonee halka Xaalku ku dambeeyo.
 
Caawa waxaa balansan Kooxaha Athletico Madrid iyo Bayer munich Ciyaartaan waa ciyaar adag runtii waxana la filayaa in Macalimiinta 2 naadi ay la soo shirtagaan Xidigahooda kuwa ugu tunka weyn.
 
.
Waxaa Diyaariyay.
 
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment