3030 Views

Madaxweynaha oo ka qeyb galay maalinta shaqaalaha Adduunka

Madaxweynaha oo ka qeyb galay maalinta shaqaalaha Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 1, 2016Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka.

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey maalinta shaqaalaha adduunka dhammaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

“Maanta waxa aan u dabaal dageynaa maalintii shaqaalaha ee 1da May,
waxa aan hambalyeyneynaa shaqaalo weynaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, oo aan sharfeynaa ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay dib u soo celiyaan Soomaalinimo iyo mustaqbal lahubo oo xor ah. Ayuu yiri Madaxweynaha.

 Madaxweynaha ayaa yiri “ Shaqo kasta oo wax kubiirineysa mustaqbalkeenna waa mid qiime leh. ninka geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku fariisanno, macallinka ku fariista kursigaas oo wax bara caruurteenna, aabaha dukaanka iibiya si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaantood waxa ay hayaan shaqo qiimo leh, qiimahaas waxa uu ka imaanayaa hufnaanta shaqadaas loo qabto iyo waxtarka ay uleedahay dhisidda Soomaaliya oo sidan ka sii wanaagsan”

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray xarumaha Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo lagu dhisay baaqi ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxwnaha ayaa ku ammaan u jeediyey Wasiirada iyo shaqaalaha wasaaradaha dib u dhiska ku sameyey xarunaha labada wasaarad.

Ugu dambentii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray wasiirada aanan ku shaqeyn xarumahooda inay ku deydaan wasaradaha dib u dhistay xarumahoodii iyo wasaaradaha iyana sidaan oo kale horrey xarumahooda dib u dhiska ugu sameystay, ayago cid maal gelisay ayna jirin.

kowda-may-9kowda-may-6kowda-may-4 (1)kowda-may-5kowda-may-12kowda-may-10kowda-may-11

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment