3201 Views

NISA oo gacanta ku dhigtay nin Laptop-yo ku diyaarinaayay Qaraxyo

NISA oo gacanta ku dhigtay nin Laptop-yo ku diyaarinaayay Qaraxyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 15, 2016: Ciidamada Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa u dhacay guri ku yaala degmada H/wadaag, halkaasoo lagu diyaarinayay qaraxyo, iyagoo gacanta ku dhigay Laptop-yo lagu diyaariyay qaraxyo iyo waxyaaba kale.

Howl galkan oo dhacay xalay maqribkii ayaa Ciidanka NISA ugu suurta gashay inay qabtaan nin lagu tuhunsan yahay inuu diyaarinayay qaraxyadan, waxaana lala qabtay illaa todobo Laptop oo qaarkood qaraxyo lagu rakibay.

Waxaa oo la qabtay warqad ku shaabadeysteen magaca dowladda Islaamiga ama Daacish, kuwaasoo ahaa magacyada illaa sagaashan ruux iyo qabiilada ay ka soo jeedaan. In kastoo magacyadaa an weli la soo bandhigin, ayaa u horreyo nin lagu magacaabo: Cabdirisaaq Sheekh Maxamed oo degan degmada Afgooye, kana soo jeeda Beesha Garre.

Qaar ka tirsan Nabadsugida oo ka gaabsaday magacooda ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Laptop-yada lagu rakibay qaraxyada la doonayay in loo adeegsado weeraro qaraxyo ah.

NISA ayaa sheegtay in xogta ninkan ay hayeen, isla markaana ay muddo ay daba joogeen Laamaha ammaanka, isla markaana ugu dambeyn maanta si qorsheysan ciidamada gacanta ku soo dhigeen.

Ilaa iyo hada ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan howl galkan lagu qabtay Laptop-yada ku jiray waxyaabaha qarxa, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa howl galkii u horeeyay noociisa ee guri lagu diyaarinayay Laptop-yo qaraxyo lagu rakibayay oo laga helo astaanta Daacish.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment