2676 Views

NUSOJ oo maanta dooranayso Hoggaan Cusub

NUSOJ oo maanta dooranayso Hoggaan Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 16, 2016: Shirweynaha ee magaalada Muqdisho uga socda Suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayeen ergooyin ka socotay warbaahinta kala duwan ee ka howl gala gobolada dalka. ayaa waxaa looga arrinsanayay aayaha suxufiyiinta.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada hoggaanka NUSOJ, Axmed Jookar, ayaa sheegay in doorashada maanta oo Isniin ah ay noqon doonto mid Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku doortaan hoggaan cusub oo ay u dhan yihiin.

Hoggaanka cusub ee la dooran doono ayaa laga sugayaa inuu mideeyo saxafiyiinta, isla markaana dib u soo celiyo sharaftii iyo karaamadii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo muddo labo u kala qeybsanaa.

Musharaxiinta u taagan Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa kala ah Maxamed Ibraahim Macalimuu oo horay uga soo shaqeeyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da iyo Wakaalada wararka ee Reuters iyo Cali Baashi C/llaahi oo horay uga soo shaqeeyay Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho, ahna Agaasimaha Idaacada Mustaqbal.

Sidoo kale waxaa maanta la dooran doonaa Guddoomiyaha iyo labada kuxigeen ee Ururka NUSOJ, waxaana doorashada maanta dhaceysa la filayaa inay qaadato waqti.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in doorashada maanta ka soo qeyb galaan Bulshada rayidka, si ay kor-joogto uga noqdaan sida Suxufiyiinta Soomaaliyeed isu dooranayaan sian qaldaad hoose uusan ka dhicin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment