3189 Views

Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aankii madaxweynaha

Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aankii madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 23, 2016: Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,IGAD,EU iyo dalalka Kenya,Ethiopia,Sweden,Italy,United Kingdom iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay xeerkii uu ku ansixiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hanaanka doorashada 2016.

Ergeyga Qaramad Midoobay uga  wakiilka ah Soomaaliya Michael Keating, ayaa sheegay in beesha caalamka ay soo dhoweynayso xeerka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saxiixay doorashada.

“Waa ay wanaagsanaan lahayd in qaab kale loo ansixiyo heshiiska balse culeyska saarnaa baarlamaanka oo ay siyaasiyiintu ku kala duwanaayeen ayaa qasab ka dhigtey in go’aanka uu qaato Madaxweynaha,”

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu ku sheegay inuu xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskaas, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu xal keeni waayay muddo dheerna ay ka qaadatay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment