4767 Views

Spain iyo Talyaaniga oo badiyay – Swedan oo sigatay Guruubyada D vs E

Spain iyo Talyaaniga oo badiyay – Swedan oo sigatay  Guruubyada D vs E
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14, 2016 – Waxaa shalay Galab iyo Xalay la Ciyaaray kulamo ka tirsan Meetada 1 ee Guruubyada D vs E.waxaana Kulamadaasi ay dhexmareen Xulalka Spain iyo Czech Republic oo ku Jira Qeybta D iyo Wadamada Ireland vs Swedan iyo Biljam vs italy oo ka tirsan Guruub E

Xulka difaacanaya Euro 2016 Spain ayaa 1-0 ku sagootiyay Xulka Czech Republic waxaana goolka guusha u dhaliyay Daqiiqadii 87 Difaaca Naadiga Barcelona iyo Xulka Spain Pique Ciyaartaan waxaa gacan sareeyay Xulka Spain oo fursado dahabi ah oo goolal lagu filan karay ay ka lumen.
spain-vs-Czech-Republic
Xulalka Ireland iyo Swedan oo ka wada Tirsan Qeybta E ayaa ku kala tagay 1-1,waxana ciyaartaan Gacan sareeyay Xulka Ierland oo soo bandhigay Ciyaar adag,iyadoo xidaga Xulka Ierland ay ka lumeen Fursado kala duwan
Goolka waxaa la hormaray Ierlland Daqiiqadii 48 waxaana u dhaliyay Laacibkooda wesley hoolahan.hase ahatee Goolka madiga ah ee Swedan ay ku barbareysay waxaa so agaasimay 10 Kabtan Ibrahimovic kaasoo madaxa ka saaray Difaaca Ierland oo isagu iska dhaliyay,waxaana Ciyaartii ay ku soo gabagabowday 1-1 ay ku kala tageen Ierland vs swedan
Kulankii darbiga u ahaa meertada 1 ee Euro 2016 waxaa fooda isku daray Xulalka Biljam vs italy oo ka mida Wadamada ugu adag ee ka qeybgalayay  Koobkaan,waxaana Ciyaartaan oo aan waxba la isku reeban ay Kooxda Coach Conti ku samirsiiyeen Biljam 0-2.
italy-vs-belguim
Bandhiga Goolasha Italy waxaa kala dhaliyay qeybtii Hore ee Ciyaarta iyo dhamaadka Qeybtii labaad ee Ciyaarta Daqiiqadihii 32 iyo 90 Ciyaartoydeeda u kala safta Naadiyada Balogna iyo Southampton 23 Emanuele Giaccherini vs 9 Graziano Pelle.
Xulka biljam oo dhinacooda dhulka la dhigay habeenkii Xalay waxa ay iska lumiyeen Fursado muhiima  intii lagu guda jiray Ciyaarta,waxaana xusid Mudan inay tabayeen Sidaan horay u sheegnay inta aan wadnay Falanqeynta Koobkaan ka hor bilaabashadiisii kabtankoodii Difaaca uga Ciyaari jiray Kabtan Kombany oo isagu dhaawac ku seegay Koobkaan.
Falanqeyntii aan ka qornay Biljam  30-5-2016  waxa ay u qorneyd sidatan
Xulka Biljam oo Tabi doona Euro 2016 Kabtankii ka difaacayay Weerarka ka soo horjeeda……

Xulka Biljam waxa uu  ka mid yahay Xulalka ugu adag ee ka qeyb galaya Euro 2016 waxaana Xulka ka maqan Koobka Euro 2016 faranca ka bilaaban doona 10 juun 2016 Kabtankoodii Difaaca uga ciyaarayay Kabtan Kombany oo u safta Kooxda Man city ee Wadanka ingiriiska kaasoo ku dhaawacmay Lugtii 2 ee sami Finalka Champions League oo ay Kooxdiisa Man city Martida u aheyd Kooxda hantay Koobka Markeedii 11 Real Madrid,waxaana maqanaanshaha Kabtan Kombany ay Fursad u siineysaa Hujuumyada ka soo horjeeda Biljam inay abuuraan Kubado  ay ku weeraraan Goolka Biljam Maadaama Darbigii isku dhigayay u maqan Yahay.
Macalinka Biljam Marc Wilmots ayaa u xiray Kabtanimada Xulka Biljam ee ka qeybgalaya Koobka Euro 2016 Weeraryahanka Naadiga Chelsea Edan Hazard Kaaasoo xulka Dalkiisa u qaata Lambarka 10
Hadaba Xidigaha Xulka Biljam ee ka qeyb galaya Euro 2016 uuna ka maqan yahay Saaxiibkood Kombany waxa ay kala yihiin

Goolhayaasha:

Thibaut Courtois | Chelsea | Jean-Francois Gillet | KV Mechelen Simon Mignolet | Liverpool |

Daafaca

Toby Alderweireld | Tottenham | Dedryck Boyata | Celtic | Jason Denayer | Galatasaray Bjorn Engels | Club Brugge | Nicolas Lombaerts | Zenit | Jordan Lukaku | KV Oostende Thomas Meunier | Club Brugge | Thomas Vermaelen | Barcelona | Jan Vertonghen | Tottenham

QADKA DHEXE

Mousa Dembele | Tottenham | Marouane Fellaini | Manchester United | Radja Nainggolan | Roma | Axel Witsel | Zenit |

WEERARA

Michy Batshuayi | Marseille | Christian Benteke | Liverpool | Romelu Lukaku | Everton | Kevin De Bruyne | Manchester City | Eden Hazard | Chelsea | Forward | Dries Mertens | Napoli | Forward | Divock Origi | Liverpool | Forward | Yannick Ferreira Carrasco | Atletico Madrid

.

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment