924 Views

Ku dhawad 500 oo bajaaj ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada deegaanka Soomaalida Itoobiya

Ku dhawad  500 oo bajaaj  ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada  deegaanka Soomaalida Itoobiya
____________________________________________________________________________


Talaado: November 30, 2021

 In ka badan 500 oo bajaaj, ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada, ee deegaanka Soomaalida Itoobiya maalmihii lasoo dhaafey.

Ciidamada Taraafikada ayaa sheegay in inta badan darawalada Bajaajta magaalada Jigjiga aaney heysan ruqsadda darawalnimo, iyo document-yada kale ee Bajaajta.

Arrintan ayaa waxey sababtey in bajaaj badan lagu xareeyo dhul bannaan oo ay dowladdu leedahay. Hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in Bajaaj cusub, oo ay markaa soo iibsadeen in laga xareeyey.

Dad badan ayaa bajaajtoodii markii laga xareeyey, u aawey qoysaskii lacago ay ku dabaraan nolol maalmeed kooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post