82377 Views

Spain vs italy oo u soo gudbay Lugta 16 ee Euro 2016 ka dib markii ay legdeen Swedan vs Turkiga…

Spain vs italy oo u soo gudbay Lugta 16 ee Euro 2016 ka dib markii ay legdeen Swedan vs Turkiga…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2016 – Xulalka Talyaaniga vs Spain ayaa ka soo gudbay Lugta 1 ee Euro 2016 ka dib Markii ay ka kala badiyeen Wadamada Swedan iyo Turkiga oo ay  iskula jireen Guruubyada E vs D
Talyaaniga iyo Spain wali shabaqooda gool lama soo Taabsiin tan iyo Markii uu Koobka Euro 2016 uu ka Curtay Franca 10-6-2016.
Xidigaha Xulka Talyaaniga waxa ay uga badiyeen 1-0 Xulka Swedan waxana goolka dahabiga ahu dhaliyay talyaaniga qeybtii danbe ee Ciyaarta 17 Eder oo laga keenay Naadiga Inter Milan.waxaana Weeraryahankani uu ku malaasay shabaqa Swedan kubad uu si xarago  badan ula jiiray Difaaca Swedan
Guushaan Talyaaniga waxa ay ka saaciday iny 6 dhibcood oo nadiif ah ugu so gudbaan Lugta 16 ee Euro 2016 iyadoo kulan uu baaqi u yahay waxaana Talyaanigu sanadkaan u muuqda mid diyaar garow adag soo galay.
spain
Dhinaca Kale Spain ayaa ku durdurisay Turkiga isagana reebtay 3-0 Kulan ka Tirsanaa meertada 2 ee Guruub D,waxaana Spain Ciyaartaanay soo bandhigeen Ciyaar adag oo isku dhiib dhiibkeedu aad u sareeyay
Bandhiga Goolasha Spain ay ku samirsiiyeen Turkiga waxaa 2 ka mida dhaliyay Weeraryahankooda Lambarka 7 u qaata Morata,halka kan kalena uu u raaciyay Turkiga Weeraryahanka lagu magacaabo Nolito oo sita lambarka 22.
Spain Guushaan waxa ay ka saaciday inay 6 dhibcood oo nadiif ah ugu gudbaan iyagoo kulan baaqi u yahay wareega 16 ee Euro 2016.
Xulalka Czech Republic iyo Croatia oo iyaguna qeybta D kula Mataansanaa Spain iyo Turkiga ayaa isku macsalaameeyay 2-2.
italy-euro-2016
Xulka Croatia ayaa kulankooda ugu dambeeya Guruub D oo ay la Ciyaari doonaan Spain u baahan kaliya barbardhac si ay u soo baxaan halka Czech Republic Rajadooda ay ku xiran Tahay in laga badiyo Croatia iyaguna ugu yaraan 3 gool uga soo badiyaan Turkiga
Kala Horeynta Guruub D
Spain       2 Kulan     6 Dhibcood
Croatia   2 Kulan       4 Dhibcood
Czech Republic         1 Dhibic
Turkiga                      0
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment