6630 Views

Soomaali ka qeybgashay tartanka ciyaaraha orodka ee Tromsø ee dalka Norway

Soomaali ka qeybgashay tartanka ciyaaraha orodka ee Tromsø ee dalka Norway
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | June 20, 2016 – Soomaali ka qeybgashay Tartanka Ciyaaraha Orodka Sanadlaha  heer caalami ee Midnight Sun Marathon oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee dalka Norway+Sawirro.
Tartanka Ciyaaraha Orodka ee loo yaqaano Midnight Sun Marathon oo ay sanad kasta marti geliso Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Dalkan Norway ayaa waxaa sanadkaan furay Boqorka Boqortooyada Norway Harald oo ay wehliso Boqoradda Mrs.Sonja waxaana goobjoog ka ahaa munaasabadda furitaanka ciyaarahan Duqa Magaalada Tromsø Mr.Jarle ,masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo dadweyne aad ufara badan.
Tartanka oo ka bilowday Xarunta fagaaraha weyn ee magaalada ayaa waxa ka qeybgalayay 74 dal oo ku yaalla Koofurta Ameerika,Europe,Asia,Australia iyo Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana la ordayay fogaan dhan 21KM
Abdi Moallim Mohamuud waa muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Tromsø ee Dalka Norwey waxa uuna ka qeybgalay Tartanka Ciyaaraha Orodka Midnight Sun marathon isagoo ordayay 10Km muddo 45Daqiiqo ah.
Abdi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sanadkaan uu markii ugu horreysay ciyaar nuucaan oo kale ah uga qeybgalo dalka Norway waxa uunaqabanqaabiyeyaasha ciyaartaan uga mahadceliyey biladda iyo abaalmarinta ay guddoonsiiyeen.
waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay gashay kaalinta 7aad ee tartanka waxaana kaalinta ugu horreeya ee tartanka ku guuleysatay haweeney u tartameysay dalka Kenya.
Saalax Xasan Axmed waa muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Baardufoss ee dalka Norwey waxa uuna ka qeybgalay tartankaas isagoo tilmaamay  in ay muujiyeen doorkooda ah in Soomaaliya ay ka dhexmuuqato ciyaaraha iyo tartamada ceynkaan ah ee lagu qabanayo wadamada caalamka.
Tartankaan caalamiga ah ayaa la qabtaa sanad kasta bisha juun waxaana lagu qabtaa magaalada Tromsø oo xilligaan xagaaga ah aysan marnaba cadceeddu ka dhicin habeen barkii, waana magaalo aad u qurux badan oo ay ku xeeranyihiin buuro,Webiyo,Jasiirado,iyo Dhuumo ay isticmaalaan gaadiidka waxa ayna magaaladani tahay magaalada ugu weyn woqooyiga wadanka .
.orodada-norway-5 orodada-norway-4 orodada-norway-3 orodada-norway-2 orodada-norway-1
.
.
____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment