4902 Views

Talyaaniga oo raba inuu qaado Euro 2016 xili uu hortaagan yahay Culeyska Germany vs Franca…..

Talyaaniga oo raba inuu  qaado Euro 2016 xili uu hortaagan yahay Culeyska Germany vs Franca…..
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | June 28, 2016 – Xulka Talyaaniga ayaa xalay reebay Xulkii Difaacanayay Koobka Euro 2016 e Spain ka dib markii uu ku suuldaaray 2-0 Ciyaar kaTirsaneyd Lugta 16ka Euro 2016..

Xulka Talyaaniga oo ka gacan sareeyay spain waxaa 2 gool u kala dhaliyay qeybtii hore ee Ciyaarta iyo dhamaadkii qeybtii 2 ee Ciyaarta Difaaca Naadiga Juventus vs Weeraryahanka Kooxda Southambton 6 Chiellini vs 9 Pelle.

Xulka Spain ayaa u muuqday kuwa kari waayay iska caabinta Xulkii ay ka  Qaadeen Euro 2012 ee Talyaaniga.

dhinaca kale xulka Da,da yar ee Iceland ayaa 2-1 isag reebay Xulka ENg oo ka mid ahaa 7 dal ee koobka Euro 2016 loo Saadaalinayay hanashadiisa,waxaana Xalay Xulka Iceland ay ka mid noqdeen Xulalka 8 ee isagu soo haray Lugta 8 ee Euro 2016,iyadoo Guuldarada ku habsatay ENG ay la yaab k u noqotay Taageeraayasha Xulkaasi oo u arkayay Iceland kuwa ka tirsanaya 3 dhibcood mase dhicin.

Xulka Talyaaniga oo hadal heynta Euro 2016 ay ku badan tahay ayaa la isweydiinayaa xagee ka gali doonaa Culeyska Germany oo ah Dalka Heysta Koobka Aduunka 2014 ayna ku reebeen Sami finalkii 2008 Koobka Euro oo ay balansan yihiin Lugta Wareega 8 ayna  fooda is  dari doonaan hadii Alle idmo 2-6-2016,sidoo kale Dalka martigalinaya ee franca ayaa isaguna gambarka ugu fadhiya talyaaniga oo 2006 ka qaaday Koobka Aduunka,waxaana waa hadii uu ka soo gudbo Darbiga Germany oo ah mid aad u adag waxana Talyaaniga heysata 2 daran mid dooro ama germany ama Franca.

Kulamada lugta 8 ee Euro 2016 oo la soo saaray sidatan ayey Xulalku isagu dhici doonaan.

  • 30-6-2016    Poland vs Portuqal
  • 1-7-2016    Wales    vs Biljam
  • 2-7-2016  Germany  vs   Italy    Ciyaarta Darbiga u ah Lugta 8 ee Euro 2016
  • 3-7-2016    Franca   vs Iceland

N.B.Saadaasha Sami Finalka Euro 2016 aan u sameeyay ma rumoobi doontaa.

  • Portuqal
  • Biljam
  • Germany
  • Franca

La arki doonee saadaashaasi inay Rumowdo

.
.
Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed  Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment