3858 Views

Madaxweynaha oo shacabka ugu hambalyeeyay xuska 1-da July ee xornimada iyo midowga Soomaaliya

Madaxweynaha oo shacabka ugu hambalyeeyay xuska 1-da July ee xornimada iyo midowga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 July 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 56-aad ee madaxbanaanida gobollada koonfureed iyo israaci koonfuur iyo waqooyi ee lagu aasaasey Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtey xarunta gobolka Banaadir ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku cabirayo qiimaha xornimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in madaxbanaanidii iyo israacii Soomaaliya ee 1960-kii ay halgameyaal Soomaaliyeed naftooda iyo dhiiggooda u hureen, balse ay jiraan khaladaad dhanka maamulka dowliga ah oo dhacay, kuwaas oo horseeday in dowladnimadeena ay burburto 30 sanno kadib markii dalku uu xorroobay.

“Waxaan u taaganahay midnimo iyo inaan saxno khaladaadkii naga dhacay. Dadka Soomaaliyeed dhibaato ayaa ka dhex dhacdey, taas oo dhaawacdey midnimadeenii, gaar ahaan gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi. Xalka aan ku saxayno khaladaadkii naga dhacay waxa weeyaan wadatashi, is-xushmeyn, wada oggol iyo is-cafin. Waxaana hubaal ah inuu Ilaahay garab nagu siin doono inaan dib u midowno inagoo leh mabaadii’ loo wada dhan yahay oo aanay cidna jebin karin, kuwaas oo aan kaga hortageyno inaan mar kale kufno’’.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo baahan yahay wacyigelin iyo in jiilka cusub ee dhalinyarada lagu beero waddan jaceyl, midnimo, maskax fayow iyo Soomaalinimo, maadaama ay yihiin hoggaamiyeyaasha berri ee looga fadhiyo inay dalka u horseedaan nabad, horumar , barwaaqo iyo in Soomaaliya ay caalamka intiisa kale la tartanto.

“Tan iyo sannadkii 2000 waxaan la tacaaleyney aafooyinkii laga dhaxley dagaalada sokeeye. Waxaa aafooyinkaas ka mid ah is-aamin la’aan, colaado, xoog wax ku raadin iyo dhibaatooyin kale oo xanuun badan. Dhibaatooyinkaas badan ee aan soo marney waxay muujinayaan in aanu dib dambe waddankan uga jiri karin xoog wax ku maroorsi iyo in awoodda dowladnimo si xun loo isticmaalo. Xalkeena waxaa uu ku jiraa wadatashi iyo wada oggol oo ah hannaanka ay ku dhisan tahay dowladnimada aan maanta haysano’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale fariin u diray shacabka gobollada waqooyi ee Somaliland, isagoo ku ammaanay geesinimadii ay ku keeneen midnimadii dalka, maantana looga fadhiyo inay kaalintaasi mar kale cayaaraan, iyadoo la isa saxayo, la iska daweynayo boogihii hore iyo cafis la isku fidiyo.

“Walaalaheena gobollada waqooyi, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa , taariikhduna ay ka marqaati kaceysaa doorkii geesimada lahaa ee ay ku dhaliyeen midnimada Soomaaliya. Waxaan u sheegayaa inaan garowshiyo ka muujineyno dhibaatooyinka ay tabanayaan. Haatan oo waddanku qaatey nidaam cusub oo federaali ahna aan filayo inuu dawo u noqon karo gobol kasta oo Soomaaliyeed, laguna saleynayo wadatashi iyo mabaadii’ laysla wada dhigtay oo la isku wada raacsan yahay. Taas ayaana ah waddada aan ku xajisan karno midnimadeena iyo walaaltinimadeena’’.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyn ugu duceeyay shacabka Soomaaliyeed inuu Ilaahay fadliga bisha Ramadaan uu siiyo kheyr, nabad, xasilooni iyo barwaaqo, ugana hiiliyo cadowga ka soo horjeeda nolosha shacabka.

Xafladdan oo sidoo kale lagu saaray calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, iyo xubno ka tirsan labada gole.

md-xasan-hambalyo-1luulyo-9 md-xasan-hambalyo-1luulyo-7 md-xasan-hambalyo-1luulyo-8 md-xasan-hambalyo-1luulyo-1 md-xasan-hambalyo-1luulyo-2 md-xasan-hambalyo-1luulyo-3 md-xasan-hambalyo-1luulyo-4 md-xasan-hambalyo-1luulyo-5 md-xasan-hambalyo-1luulyo-6

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment