7293 Views

Abaliisha 9-kii ugu wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80-meeyadii

Abaliisha 9-kii ugu wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80-meeyadii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 5, 2016 – Ciyaaryahan Axmed Maxamuud Cali oo bahda isboortigu u taqiinay Abaliisha waa 9kii ugu wanaagsanaa Gobolka Banaadir Sanadihii 80meeyadii,Waxaana Laacibkaan oo heerka 1 u soo saftay Naadiyada Horseed iyo Gaadiidka uu ahaa Gooldhaliye caan ka noqday Horaantii 80meeyadii Gobolka Banaadir isagoo Xulkii Gobolka Banaadire 1981 u qaaday Gooldhalinta Ciyaarihii Gobolada ee wajigii 2 ka dhacay Muqdisho waxaana uu dhaliyay 6 Gool.

Qiimeyn aan sameynay 9kii ugu Wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80meeyadii ayuu Xidiga Axmed Maxamuud Cali’ Abaliisha’ uu ku noqday kan kasbaday Kaalintaasi waxaana uu ahaa Laacib ay ka walwali jireen Difaaca ka soo horjeeda.

Hadaba waxana halkaan idinkugu sii gudbineynaa Taariikhdiisa oo kooban Xidigaan ku soo barbaaray Degmada Boondheere ahaaan 9kii Ugu Fiicnaa Gobolka Banaadir 80meeyadii.

abaliisha-1

Waxa uu ku dhashay Degmada Boondheere ee Gobolka  Banaadir gaar ahaan Isbitaalkii la oran Jiray Raawe oo ah hada Laga dhigay wasaarada Caafimaadka Sanadkii 1964kii, waxaan ku soo barbaaray Xaafada Yuusuf Kowneyn ee degmada Boondheere,waxbarashada waxaan ku qaatay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Lakiin yaraanteydii waxaan aad ugu hamin jiray sidii aan Kubada Cagta magac ugu yeelan lahaa riyadiina waa ii rumowday Maadaama Qoys isboorti aan ka soo jeeday waxaana helay Dhiirigalin Runtii iyadoo Dhalinyarada Degmada Boondheere deganeyd oo ahaa kuwii ugu caansanaa dhinaca Kubada cagta ay Markaasi iyaguna  i garab istaageen Waxaana Boondheere ay noqotay Degmo kooxaha ka dhisan Laga baqo marka aan ka hortageyno Kooxaha kale ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhisnaa waadna la socotaa Degmada Boondheere waxaa ku yiilay Garoonkii Bacaadka Waamo oo Sanad kasta lagu Qaban jiray Tartamo Isboorti oo uu ugu Caansanaa Koobkii Ramadaanka Degmada Boondheere Runtii waxa ay aheyd Hooyada Kubada Cagta Gobolka Banaadir waxa ay aheyd Degmo kulmin Jirtay Ciyaaryahano Caan ah, Raga aan xasuusto ee ka soo baxay Boondheere waxaa ka mida zakariya Baliile, Cumar Calasoow, Axmed Cabaas, Cabdulaahi Cabdi, Akookoow, Cabdicasiis Giftin yo ciyaartooy badan, waxaa ku dhiirigaliyay kubada Cagta  AUN Tababare Cumar canjeeste.

abaliisha-gbanaadir

Laacibkaan Axmed Maxamuud Cali Abaliisha isku si ayey u aheyd lugta iyo madaxa oo kii uu doono ayuu ku dhalinjiray Goolka isagoo hibo u lahaa xaga Gooldahlinta.

Waxa uu ahaa Weeraryahan sumcad ku leh Bahda isboortiga hadalheynta magaciisana ay bulshada ku weyneyd marna kama caajisin dhiiigalinta isboortiga waxaana uu hada ku nool yahay Dalka ingiriiska waana mid ka mida Xubnaha  ugu magaca weyn jaaliyada isboortiga UK.

Abaliisha waxa uu ahaa laacib kaftan badan  oo bulshaawi ah dhalinyaraduna aad u jeclayaeen Dabeecadiisa.

Waxaan leenahay Hambalyo Laacibka Axmed Maxamuud Cali’abaliisha’ oo ku guuleystay 9kii ugu Wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80meeyadii.

.
Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’  uurdoox’
uurdoox2016@gmail.com

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment