3816 Views

Uganda oo mar kale hadal Tahdiid ah u jeedisay DFS

Uganda oo mar kale hadal Tahdiid ah u jeedisay DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 6, 2016: Yuweri Museveni oo ah Madaxweynaha Uganda, ayaa sheegay in qorshe xumo ay haysato Ciidamada AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya, taas oo micna uu lifaaqay.

Madaxweynaha dowadda Uganda ayaa sheegay in ciidanka AMISOM aysan la  heyn qorsho loogu talagay in ciidan dagaal ku jira.

Museveni ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu hada gaabis yahay, taas uu ka wado in Ciidamadiisa ay sii joogaan Soomaaliya.

Laakiin Yuweri Museveni ayaa sheegay in aanu ciidankiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM jihada saxda ah uu abaaro, oo ay ka mid tahay in dib loo dhiso ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa dhawaan sheegtay in ciidankeeda ay kala baxayso dalka Soomaaliya sanadka danbe in kastoo wararka  arrintaas ay beeniyeen.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment