3078 Views

Shirka Golaha Wasiirrada

Shirka Golaha Wasiirrada
____________________________________________________________________________

Khamiis, Muqdisho, July 14, 2016 – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo howlgallada ay wadaan Ciidamadda Qalabka sida laga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee amniga dalka, waxana uu si gaar ah u xusay howlgal qorsheysan oo Ciidamadda gaarka ah ee Danab ay ka fuliyeen deegaanka Goobaale oo 80 KM u jira Ballidoogle halkaas oo saldhigyo qarsoodi ah ay ku lahaayeen kooxaha Argagixisada. Wasiirka ayaa tilmaamay in la burburiyey saldhiggaasi isla markaana lagu dilay saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa u soo jeediyey Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya in la ansixiyo sharciga Isgaarsiinta oo muhiim u ah isgaarsiinta dalka kaas oo horyaala Golaha Shacabka.

.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment