4683 Views

Gobolka Sanaag oo weli xiisad dagaal ka jirto.

Gobolka Sanaag oo weli xiisad dagaal ka jirto.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 20, 2016: Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad dagaal wali ka jirto deegaanadii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaalo dhacaan oo ay dadka wax ku noqdaan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor-fadhiya goobihii ay ku dagaalameen agagaarka Booda-Cade oo u dhaxeysa Xingalool iyo Dhahar.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ay jiraan gurmadyo labada dhinac u direen aaggaga dagaal ee ay isku hor-fadhiyaan, waxaana barakac laga soo sheegayaa inuu ka jiro goobaha xiisada ay saameysay oo uu dadka ka qaxayo.

Dagaalo culus oo labada dhinac ku dhex maray Isniintii ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo labada maamul ay dagaalka ka kala sheegteen guulo gaar u ah.

Ciidamada Somaliland ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu qabtay goobo ku dhow deegaanadii lagu dagaalamay, bals maamulka Puntland ayaa sheegay in ay waxba ka jirin.

Maamulka Somaliland, ayaa dhowaan ka bilowday diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka deegaanada Gobolka Sanaag Bari oo ay ku doodeyso in maamulkeeda uu hoos-yimaado, iyadoo Maamulka Puntland uu ka soo hor-jeestay ee uu diiday jiritaanka arrintaas.

Labada Maamul ayaa muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag oo midba midka kale uu sheeganayo in deegaanadiisa ay yihiin. Taasna waa tan dhalisay dagaalka joogtaa ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment