4797 Views

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Deegaanno Cusub

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Deegaanno Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Augst 1, 2016: Wasiirka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wararka sheegaya in ciidanka Itoobiya ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Itoobiya oo isaga baxay deegaano ka tirsan K/Galbeed balse arimahaasi ay yihiin kuwo dabool siyaasadeed loo yeelay.

Wasiirka ayaa sheegay  in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgal ay iska kaashan doonaan ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin K/Galbeed.

Ciidanka Itoobiya ay isaga baxay deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool, in kastoo dadka qaar ay ku macnayeen in Itoobiya qorshe gaar ah ka leedahay waxyabaha ay samaynayso.

Ma ah marki ugu horreysay oo Itoobiya ka baxdo meel ciidankeeda lagu ogaa, taas oo lagu macneeyay in Dowlada Itoobiya aynan doonayn in Somaaliya xur naqoto.

Waxaa kale oo jira in Ciidamada Itoobiya aysan amar ka qaadanin AMISOM, balse ay wadanka ku joogto garab siyaasadeed oo ay ka hesho Madaxda Maamul- Goboleedyada, kuwaas oo u kala dhuumanayo Adis Ababa ayaga oo an kalsooni ku qabin Waddakooda Soomaaliya.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment