3927 Views

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku qabtay Dastuurka

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku qabtay Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 6, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka  Jawaari, ayaa isku qabtay qodobo ka mid ah Dastuurka, kaasoo dhigaya muddo xileedka Madaxweynaha, marka la gaaro 10 September.

Warar lagu kalsoonaan karno oo an helnay, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Jawaari ay hadalo kulul is dhaafsadeen furitaankii shirka Madasha Wada-tashiga qaran, markii laga hadlayay muddo kordhinta doorashada.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka oo dhigaya in marka Madaxweynaha xilka ka dhamaado inuu xilka sii heynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka muddo 30 maamood ah.

Laakiin Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba ka soo hor-jeestay hadalkaas, isla markaana ku dooday in haddii muddo kordhintaas jirto ay tahay in dowladda dhan ay sii shaqeyso, inta dowlad cusub la soo dooranayo.

Qodobka 91aad ee Dastuurka ayaa dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado, uu Guddoomiyaha Baarlamaanka sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga helaayo.

Mudane Xasan Sheekh, ayaa u arka tallaabadan mid maji xaabin karta halganka uu ugu jiro inuu dib u soo laabto, waxaana arrinta ugu weyn ee maalmahan la isku hayay ay aheyd marka la sameeyo muddo kordhinta labada bilood ee doorashada cida awooda dalka sii heyneysa, waxaana la soo qaadanayaa qodobo kala duwan ee datuuri ah.

Shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa maalinta berri oo Axad ah si rasmi ah loo soo gaba gabeyn doonaa, iyadoo doorashada dib loo dhigayo labo bilood.

Kala guurka siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa laga cabsi qabaa in Madaxda waqtigeeda sii dhamaanaya inay sameeyaan ku tagri fal awoodeed, waxaana xubnaha Xisbiyada siyaasada ay talo ahaan u soo jeediyeen in la dhiso Xukuumad xilka sii heysa marka uu si rasmi ah Madaxda hada jirta uga dhamaado, balse uma muuqato mid soconayso.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment