3297 Views

C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta ku biirayo shirka Madasha Qaranka

C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta ku biirayo shirka Madasha Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 8, 2016: C/kariin Xuseen Guuleed,Madaxweynaha Galmudug oo howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ka socdo shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Madaxweyne Guuleed ayaa dhowaan qalliin dhinaca wadnaha lagaga sameeyay dalka Hindiya, waxaana qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook, kadib markii qalliinka lagu sameeyay uu sheegay in uu najaxay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo dad kale ayaa ku soo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey Ra’iisul Wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

C/kariin Guuleed ayaa la filayaa inuu goor dhow ku biiro shirka Madasha Wada-tashiga qaran, kadib markii maalmihii u dambeeyay uu ka maqnaa, waxaa uu ka qeyb galayaa gabada gabada shirka oo lagu saxiixi doono go’aanada ay gaareen Madaxda Madasha wada-tashiga Qaran.

Guuled ayaa ka maqnaa Shirka, waxaana matalayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Guuleed uu saxiixi doono war murtiyeedka shirka lagu wado in laga soo saaro dhawaan.

Shirka Madasha Wada-tashiga ayaa maraya marxaladihii u dambeeyay, kadib afartii maalmood oo madaxda wada hadalo u socdeen, kaasoo ay go’aano kaga gaarayeen doorashooyinka sanadkan dhacaya.

Guddiga doorashooyinka qaran ayaa shalay ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ay dhaceyso doorashada, waxaana  doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhaceysa 25 October, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 October, sida la sheegay.

Cumar-iyo-Guuleed-280x175

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment