3216 Views

Madaxweyne Xasan oo loogu baaqay in uu xilka banneeyo September 10-keeda

Madaxweyne Xasan oo loogu baaqay in uu xilka banneeyo September 10-keeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 14, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa loogu baaqay inuu xilka baneeyo marka la gaaro 10-ka bisha September, xilligaasoo uu ku egyahay waqtigiisa.

Wada tashi ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo hor-jeedaan in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, ayaga oo doonaayo in uu ka fadhisto shaqadabisha soo socota tobankeeda.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada Cali Nuux oo akhriyay war murtiyeedka laga soo saaray kulanka ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan dhamaan qodobada ka soo baxay shirka Madasha Wada-tashiga qaran, isla markaana ay yihiin kuwo iska hor-keenaya shacabka Soomaaliyeed.

Amb. Axmed Macalin Fiqi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in 10-ka bisha September marka la gaaro ay ka dhamaatay Madaxweynaha, isla markaana loo baahan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka si KMG ah xilka Madaxweynaha u qabto, sida ku cad Dastuurka.

Go’aanadii ka soo baxay shirka Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha qaran ayaa ku xusnaa in muddo 50-maalmood dowladda waqtiga loogu daray, isla markaana Madaxda dowladda ay xilka sii heynayaan, iyadoo 29 October la dooran doono Madaxweyne.

Isbaheysiga Xisbiyada, ayaa beryahaan dambe qayla- dhaan ka waday magaalada Muqdisho, ayaga oo an weli sheegin danta ay u hayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ka badan in ay ayagu ka taliyaan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa maanta waxa ay noqotay ” Nin Bukoow, Boqoli kuu Talisay.”

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment