3369 Views

Ra’iisul wasaaraha Kanada oo difaacay dharka haweenka Muslimiinta ah

Ra’iisul wasaaraha Kanada oo difaacay dharka haweenka Muslimiinta ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 23, 2016: Justin Trudeau, ra’iisul wasaaraha dalka  Kanada, ayaa sheegay in uu difaacayo xuquuqda shakhsiga iyo xoriyadiisa mar wax laga weydiiyay in Kanada sida France oo kala ay mamnuucayso dharka ay xirtaan dumarka muslimka ah, xilli uu ka hadlaayay kala duwanaanshaha xagga dhaqanka iyo dulqaadka Kanada ay leedahaya, laguna yaqaanno.

Xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada oo ka soo jeeda gobolka Quebec ayaa waxaa ay soo jeedisay in la mamnuuco dharka ay qaataan dumarka muslimiinta ah si ay ugu deydaan 15 magaalo oo dalka France ku yaala oo dhowaan haweenka muslimka ah ka mamnuucay dharkaas.

“Waxaan leenahay dulqaad muddo dheer ka soo jirey Kanada,” sidaa waxaa war fidiyeenka u sheegay Mr. Trudeau.

Ra’iisul wasaaraha oo kulan golahiisa wasiirada ay kaga hadlayeen ajendiyaal ku saabsan sharciyada ayaa waxaa uu sheegay in arimahan oo kala ay ka dhalan karaan caro bulsho isla markaana ay isku dayayaan in ay taa ka fogaadaan maadaama dhacdooyinka dalka France ka dhacaya ay loo aaneynayo mamnuucida arimahaas ku saabsan dharka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Kanada ayaa waxaa uu ku baaqay in la xoshmeeyo xoriyadda shakhsiga iyo dooqiisa. Isagoona meesha ka saaray in Kanada laga mamnuuco dharka haweenka muslimka ah ay qaataan, waxaana uu sheegay in dadka reer Kanada ay ka sareeyaan waxyaabaha keena is maandhaafka.

“Dalka Kanada, waxaa ka jira is ogolaansho, is  xormeyn iyo isfaham. Halkan aan u socono iyo waxaa aan ku socono ayaa ah kala duwanaanshaha ay qaniga ku tahay bulshadan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment