3483 Views

Madaxweyne Xasan oo ka warbixiyay saldhiga Turkiga ka samaynayo

Madaxweyne Xasan oo ka warbixiyay saldhiga Turkiga ka samaynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 1, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi siiyay wakaalada wararka dalka Turkiga Anadol ayaa ka hadlay taageerada dowlada Turkiga ay siisay shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay, in dowlada Turkiga taageero muuqato la garab istaagtay dowlada Soomaaliya xili ummada Soomaaliyeed ay u baahnaayeen gargaar deg deg ah.

Wuxuu dowlada Turkiga ugu mahadceliyay taageerada ay siisay shacabka Soomaaliyeed, welina ay garab taagantahay.

“Turkiga waa Saaxiib Istaraatiiji ah,  Xilli adduunka naga sii  jeedo ayuu nasoo aaday, Shacabka Somaliyed waxaa uu ixtiraam u hayaa Turkiga iyo Shacabkiisa” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in dowlada Turkiga ay taageero dhaqaalo oo muuqata siisay shacabka, wuxuuna sheegay in abaalkaasi aysan hilmaami doonin marnaba.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay amaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan, isaga oo sheegay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada ay u diyaar garoobeen adkeynta amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan.

“Dowladda Somaliya oo kaashanaysa ciidamada Amisom ee na caawiya waxa ay u diyaargarooben sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, goobaha Doorashada iyo sidoo kale sidii ay uga jawaabi lahaayeen cid waliba oo isku dayeysa inay carqaladeyso Doorashada.” Ayuu yiri Xasan.

Doorashooyinka oo ka hartay labo biloo, ayaa la rajeeynayaa in ay si nabad ah ku dhacaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment