3279 Views

Taliyihii Ciidamada Itoobiya ee ka howl gala Soomaaliya oo la badalay

Taliyihii Ciidamada Itoobiya ee ka howl gala Soomaaliya oo la badalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 4, 2016: Dowlada Itoobiya ayaa is badal ku sameesay Hogaanka Ciidankeeda ka howlaga Soomaaliya gaar ahaan kuwa wata Magaca AMISOM, waxaana isbadalkaasi uu noqday mid saameeyay Taliyaasha ugu sareeya Ciidankaasi, ayada oo an la ogayn sababta.

Kulan ka dhacday xaurnta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in la badalay Major General Mohammedesha Zeyinu oo ahaa Hogaanka ciidanka dalka Itoobiya ee Soomaaliya ka howlagala, waxaana xilka kala wareegay taliye kale oo cusub oo loo soo magacaabay.

Waxaa ku sugnaa Munaasabada xil wareejinta saraakiishan Hogaaminaya Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka AMISOM Cismaan Nuur Subagle iyo Xubno kale oo katirsan Midowga Afrika.

Maj. Gen. Abreha Tesfay, ayaa noqonaya Taliyaha Cusub ee Ciidanka Itoobiya ee ka howgalaya Soomaaliya , waxa uuna sargaalkan ka mid noqonayaa saraakiisha sar sare ee Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aan tiradooda rasmiga ah la heyn, waxa ayna ciidamadan ka howlgalaaan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana cidamada Itoobiya la sheegaa in ay ku jiraan kuwa aan qeyb ka aheyn kuwa AMISOM magacooda ku howlgala ee loo maleynayo in iskooda isu maamulaan.

tasfaye_3

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment