4071 Views

Madaafiic lagu weeraray Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Beledweyne

Madaafiic lagu weeraray Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin  Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 5, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyn, ayaa sheegaya in xalay laga maqlay madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladaas.

Hoobiyeyaal ayaa lagu weeraray saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin galbeedka magaalada Beledweyn.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku soo dhacay xaafada Howl-wadaag, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay.

Qof u hadlay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdaas oo xaafadaha qar ku dhacay.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl galka AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa saaka howl gallo ka waday deegaano dhaca galbeedka magaalada Beledweyn, halkaasoo la tuhunsan yahay in madaafiicda laga soo riday.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ayaa saldhigyo ku leh daafaha magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment