3429 Views

Guddiga doorashooyinka dadban oo ku baaqay in xal laga gaaro arinta Somaliland

Guddiga doorashooyinka dadban oo ku baaqay in xal laga gaaro arinta Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 9, 2016: Sida wararka nagu soo gaareen, Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa markale ku celiyay in la xaliyo cabashada ka imaanaysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku jira dowlada federalka ayaa cabasho ka keenay saami qeybsiga xubanaha golaha sare iyagoo ku dhowaaqay in ay qaadaceen Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaga oo ka midaysa  arrintaas.

Avv Cumar Maxamuud Dhagey, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in wax laga qabto tabashada dadka maamulka Somaliland degaanadooda ka soo jeeda, kuwaas oo beryahaan cabashadooda muujinayay.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa ay ku qaadaceen inay matalaad ku yeeshaan xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Qaadacaadaas, ayaa ku soo beegantay iyadoo shalay ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland xubnihii u meteli lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, halka xubnihi siyaasiyiinta Somalland an weli waxba laga haynin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment