3615 Views

QudbadahaTartamayaasha Madaxtinimad Hirshabeelle oo goor dhow bilaabatay

QudbadahaTartamayaasha Madaxtinimad Hirshabeelle oo goor dhow bilaabatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 16, 2016: Waxaa goor dhow hoolka shirarka ka bilowday khudbadihii tartamayaasha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle. Musharaxa ugu horeeya ee  hadlay waa Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay inuu wax ka qaban doono arrimo badan sida amniga,horumarka iyo waxbarashada waddanka.

Waxa uu Waare sheegay in uu ka shaqeyn doono arrimaha horumarinta ganacsiga taasna ay tahay in xoogga la saaro dib u dhiska wadooyinka sida wadada Muqdisho iyo Jowhar,Jowhar iyo Beledweyne,Cadale iyo Xamar iyo wadooyin kale oo kuwaas la mid ah.

Dhinaca Waxbarashada ayuu sheegay in dugsiyo farsamo la dhiso,internet fiber obtic ah labada gobol ay yeeshaan lagana soo qaado Muqdisho illaa Beledweyne, Sidoo kale arrimaha garsoorka ayuu ka hadlay in uu cadaalada xoojin doono, waxaa qudbadii labaad la siiyay musharax Cali Maxamed Carraale.  Carraale ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha dib u heshiisiinta,garsoorka,ammaanka,waxbarashada,caafimaadka iyo shaqa abuurista.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment