4857 Views

Dambi Lagu Helay Haween Soomaaliyeed

Dambi Lagu Helay Haween Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 26, 2016: Maxkamad ku taalla dalka Mareykankaayaa la hor keenay haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Geeska Afrika.

Haweenkaas ayaa kala ah Muno Cusman Jamaac oo ah 36 sano jir  iyo Hinda Cusman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku heshay danbi ah in ay taageero u fidiyaan Xarakada Al-Shabaab , islamarkaana ay lacag badan  ay u soo direen gudaha dalka Soomaaliya si loo taageero Al-shabaab.

Haweenkaan, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay abaabuleen koox haween ah , kuwaas oo ku sugnaa meelo kala duwan oo  Calaamka ah , islamarkaana ay soo aruuriyeen dhaqaalo lagu taageeraayo Al-Shabaab.

Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cusman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Gabar lagu magacaabo  Farxiyo  Xassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland , waxaana lagu eedeeyay in ay ka mid aheyd kooxda ay abaabuleen haweenkaasi oo reer Maraykan ah.

Xukunka ugu dambeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaali yahay, ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa lagu Maxkamadeyaa haween Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhalinyaro lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab in an qaarkood an wax cad lagu haynin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment