3603 Views

Dagaal xooggan oo mar kale dib uga qarxay Gaalkacyo

Dagaal xooggan oo mar kale dib uga qarxay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 08, 2016: Dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mar kale saaka ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug oo maalmahaan isku hor-fadhiyay qaybtaas.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in dagaalka uu ku bilowday madaafiic labada dhinac is-weydaarsadeen, waxaana saaka magaalada ay ku waabariisatay xaalad deganaan ah, balse hadda dagaal ka socdo.

Shalay madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ka hirgasha magaalada oo dagaaladii dhacayay ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah oo waxba galabsan

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaafadaha qaar ee magaalada Gaalkacyo ay madaafiic kusoo dhaceen, waxaana xigay koofur Galbeed magaalada oo dagaal xoogan uu ka bilowday saaka.

Shalay waxaa Boosaaso gaaray wafdi uu hogaaminayo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo arimaha dagaalada Gaalkacyo, kala hadlay madaxweynaha Puntland Gas.

Waxaa qorshaha uu yahay in madaxda labada gobol, dowlada, Qaramada Midoobay iyo madax kale tagaan magaalada Gaalkacyo si xal looga gaaro dagaalada soo laalaabtay.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa u muuqda kuwo aan gacanta ugu jiran talada magaalada, iyadoo dagaalka ay wadaan mas’uuliyiin labada dhinac kuwaas oo an la ogayn cida ay amarka qaataan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment