3105 Views

Jen. Cadde Muuse Xirsi “Waa nasiib darro in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo”

Jen. Cadde Muuse Xirsi “Waa nasiib darro in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 14, 2016: Jen. Cadde Muuse Xirsi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaada ku soo laab-laabato magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dadka ku nool Mudug inay nabad ku wada noolaadaan oo wada jiraan.

Jen. Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu is weydiiyay sida ay ku dhaqan geli karto heshiiska laga gaaray colaada Gaalkacyo, oo marar badan inta la heshiiyay ay subaxdii bilaabatay xabada iyo qax.

“Dadka wada degan ayay dan waxay ku jirtaa inay Nabada iyo wanaag ku wada noolaadaan, maanta wixii dhacay waa ku faraxsanahay in heshiis la gaaro, laakiin ma aqaan sida uu ku hirgeli karo, inta go’aan la gaaro, misana xabadii subaxdii bilaabaneyso”ayuu yiri Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo, halkii horay lagu xalin jiray Muqdisho iyo tuulooyinka u dhow Gaalkacyo oo dadka waxa ka dhaxeeyaan ay degganyihiin.

Bishaan 20eeda, ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco wajiga labaad ee wada hadalada Puntland iyo Galmudug ee xalka looga gaarayo colaada ka taagan Mudug.

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo labadii maalmood ee la soo dhaafay shir ku lahaa Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay in xabada la joojiyo, ciidamada dagaalamaya la kala qaado, iyagoo magacaabay Guddi wada-jir ah oo ka shaqeeya dhameystirka xal ka gaarista colaada Gaalkacyo, kaas oo ka kooban 18 xubnood.

.

.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment