4194 Views

Wararkii ugu dambeeyay waanwaanti Galkacyo

Wararkii ugu dambeeyay waanwaanti Galkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 15, 2016: Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa walli ka soconaya dhexdhexaadin laga wado goobihi lagu dagaalamay.

Dhawaan heshiis ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana kamid ahaa xabad joojin ka dhaqan gasha Mudug iyo in la dhameeyo waxyaabaha dagaalka keenay oo an carabka lagu dhufan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu jiro isfaham u dhaxeeya odayaasha dhaqanka labada maamul iyo wafdiga ra’iisul wasaaraha ee dhexdhexaadinta ka wada magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonnada ayaa diidan qodobada qaar ee lagu saleynayo xabad joojinta, waxaana ra’iisul wasaaraha uu la kulmay waxgaradka labada maamul ee kusugan waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka qaar ayaa doonaya in xalinta khilaafka loo madax banaaneeyo si ay u dhameeyaan, sababtoo ah waxay sheegeen in siyaasiyiin aysan xal rasmi ah ka gaari karin xiisada magaalada Gaalkacyo.

Mararka qaar ayaa galbeedka Gaalkacyo laga maqlayaa rasaas goosgoos ah, waxaana wali cad inaan la kala qaadin ciidamada isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay, maalmihi la soo dhaafay.

Warar kale ee na soo gaaray ayaa sheegayaan in Galmudug ay diidan tahay in wadahadalka uu socdo ilaa ciidamada isku horfadhiyaan halkii lagu dagaalamay, halka Puntland ay diidan tahay in ciidamada la kala qaado, iyadoo laga baqayo dagaalo kale.

Wararkii ugu dambeeyay, ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo uu ku wajahan yahay ergayga gaar ee QM u qaabilsan Soomaaliya, si uu kulamo ula qaado waxgaradka iyo siyaasiyiinta labada maamul.

Waxyaabaha kale ee sida weyn la iskugu hayo waxaa kamid ah sida waajibaadka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo in la qaado xayiraadii Puntland kusoo rogtay gaadiidka ka tagayay koofurta magaalada Gaalkacyo ee aaday waqooyiga.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment