3927 Views

Dowladda Somalia oo war ka soo saartay Riek Machar imaashadiisa

Dowladda Somalia oo war ka soo saartay Riek Machar imaashadiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 26, 2016: Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar, xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay kasoo degeen garoonka diraayadaha ee Magaaladda Mogadishu.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Riek Machar iyo qoyskiisa lagu arkay garoonka Muqdishu.

“ Waxba kama jiraan wararka sheegaya in Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka South Sudan, Riek Machar iyo qoyskiisa ay ku suganyihiin, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde” sidaasi waxaa Radio Dalsan u sheegay saraakiil ka tirsan Saraakiil ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa si aada ah looga hadal hayaa Soomaaliya iyo guud baraha Bulshada,balse ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta imaanshaha Muqdisho madaxweyne ku-xigeenka koonfurta Suudaan Riek Machar. Arrintaas ma ah mid huban oo wax suuqa iyo maqaayadaha Muqdisho lagula fadhi-diriro.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment