14334 Views

Degmada Kaaraan waa degmada ugu wasaqda badan Muqdisho

Degmada Kaaraan waa degmada ugu wasaqda badan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa iska indha tiraya inay wax ka qabtaan nadaafad xumo baahsan oo ay degmada la ciir ciireyso, taasoo degmada Kaaraan ka dhigtay degmada ugu wasaqda badan gobolka Banaadir.

Goobta ugu daran ee nadaafad darada baahsan ay ka jirto ayaa ah dhabarka danbe ee xarunta degmada looga taliyo ee ku taal isgoyska Kaaraan, kuna yaal halkaasi garoonka ciyaaraha Qoob Dooro, halkaasi oo noqotay meel qashin qub ah oo loo soo dhaqaajiyo qashinka wasaqda ah iyo xoolaha dhintay.

Niyada kuma siineyso inaad si degan halkaasi ku marto, waxaana qasab qofka ku noqoneysa inuu sanka is-qabto, neeftana isku caburiyo si urta kasoo baxaysa goobtaasi ugu miir doobin.

Maamulka degmada ayaa ishooda qaban goobtaasi oo noqotay qashin qub dadka iyo gaadiidka usoo dhaqaajiyaan qashinka xaafadaha iyo maqaayadaha laga keeno.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cumar Meyre Macow iyo maamulkiisa ayaa xil iska saarin sidii looga hortegi lahaa halis caafimaad daro oo kasoo socoto goobtaasi weligeedba aheyd qashin qub, haddii ay wax ka qabanayaan waxay awoodaan in ay si dhib yar u nadiifiyaan, dadka qashinka kusoo shubayana ay ka hor istaagi karaan.

Dhanka kale, wadada dheer ee hormarta saldhiga degmada iyo suuqa Kaaraan ayaa ah wado raf ah oo bacaad xiray laamigii ay gaadiidka isticmaali lahaayeen, iyadoo wadadaasi dhibaato lagu qabo maristeeda.

kaaraan-wasaq-1 kaaraan-wasaq-6 kaaraan-wasaq-4 kaaraan-wasaq-7 kaaraan-wasaq-5 kaaraan-wasaq-3 kaaraan-wasaq-2

 

.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment