3786 Views

Is faham waa ka dhex aloosan Gaas iyo xildhibaanada BF ee Puntland

Is faham waa ka dhex aloosan Gaas iyo xildhibaanada BF ee Puntland
____________________________________________________________________________

Garoowe | January 23, 2017 – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo taageero u ah Musharaxiin dhowr ah, ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulmaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee dhawaan laga soo doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

C/wali Gaas oo doonaaya in Xildhibaanada ay codadka ugu shubaan Musharaxiinta uu isaga wato, ayaa waxaa arrintaa ka hor imaaday Xildhibaanada kadib markii ay diideen Laba Musharax oo si gaara uu u wato Gaas.

Xildhibaanada ayaa diiday in xiriir ay la sameeyan Labada Musharax, waxaana la tilmaamayaa in diidmadaasi ay kala fogeysay Gaas iyo Xildhibaanada.

Gaas oo arrintaani darteeda kulamo is xigxiga kala yeeshay Xildhibaanada ayaan wali u suuragalin in Xildhibaanada uu ka dhaadhacsiiyo inay codka siiyaan Musharaxiinta uu isaga wato.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan ilaa iyo hadda qaadan wax mushaar ah, ayaa isku diyaarinaaya inay ka faa’iideystaan Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah kuwaa oo kala iibsanaaya Xildhibaanada.

.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment