6492 Views

GUUL Qaranka Soomaaliyeed u-soo hoyatay – doorashada Madaxweyne Farmaajo !

GUUL Qaranka Soomaaliyeed u-soo hoyatay – doorashada Madaxweyne Farmaajo !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Feb 08 2017  – Guushii taariikhiga ahayd ee Musharax Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “ Farmaajo” uu ka helay kalsoonida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed tartankii madaxtinimo, ee lagu qabtay magaala madaxda dalka ee Muqdisho maanta oo Arbaca ahayd, kuna beegnayd 8da February 2017, waa mid si dhab ah ugu tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan.Wuxuu ahaa loolan aad u adag, oo ay ku baratayeen in ka badan labaatan mushrax, oo matalyay qaybaha kala duwan ee uu dalka ka kooban yahay – kuwaas oo dhamaantood ay himaladoodu ahayd inay wax taraan dadkooda iyo dalkooda, waxna ka bedelaan habka maamul ee uu dalka ku hogaaminayay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheikh Maxamuud afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa marag ma-doonta ah, si aad ahna looga dheregsan yahay wax qabadkii dhan walba ah ee Mudane Farmaajo u-soo qabtay qaranka, markuu ka mid ahaa saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulkii Madaxweyne Siyaad Barre iyo markii danbe ee loo magacaabay mansabka Madaxda Golaha Wasiirada xiligii Madaxweyne Shiekh Shariif Sheikh Axmad iyo tanaasulaadkii uu u-sameeyay oofinta danta qaranka darteed iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta.

Waxaanu ku hanweynahay inuu Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” la imaan doono isbedel dhan walba ah oo saameyn horumar wata u-horseeda qaranka Soomaaliyeed, haday noqon lahayd sare u-qaadidda maciishada dadweynaha iyo horumarka dhaqaalaha oo saldhig u-ah abuurista shaqo ee dhalinyarada, adkeynta iyo sugidda nabadgelyada dalka iyo wax wada qabsi ku dhisan cadaalad oo lala wadaago wadamada deriska la ah Soomaaliya iyo xiriirinta qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ah.Waxaan u-rajeynaynaa Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “ Farmaajo” guul wacan,ShacabkaSoomaaliyeedna barwaaqo, bashbash, nabad iyo midnimo .

Waxaan leenahay Madaxweynaha cusub garabkaaga ayaan joognaa, diyaarna waan kuu nahay.

.
By : Ex-Diplomaasi Xuseen Maxamuud Maxamed ( Xuseen Dheere ) – hmmulus@hotmail.com

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment