5319 Views

Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay ololihii gurmadka abaaraha

Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay ololihii gurmadka abaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Feberaayo 17, 2017 – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa durba bilaabay olalahiisa ugu horeeya oo uu gurmadka ugu sameynayo dadka soomaaliyeed oo ay abaaraha ku sameeyeen gudaha dalka.

Farmaajo oo 8-dii February loo doortay madaxweynaha dalka ayaa ka dhawaajiyay dhawaan in waxqabadkiisa ugu horeeya uu ka dhigi doono gurmadka Abaaraha iyo arimaha amniga, waxaana maanta uu qaaday talaabo muuqata oo dhanka gurmadka abaaraha ah.

Madaxweynaha ayaa maanta u yeeray gudiga gurmadka abaaraha, beesha caalamka iyo ganacsatada soomaaliyeed wuxuuna kala hadlay sidii gurmad dhaqso ah loogu sameyn lahaa dadka ay abaaruhu sameeyaan wuxuuna fariin soo dhigay bartiisa bulshada ee u gaarka ah.

Fariintii uu madaxweynaha bartiisa Twitter-ka  kusoo qoray waxey u qorneed sidan:

“Waxaan kulan degdeg ah maanta isugu yeedhay guddiga gurmadka abaaraha, Beesha caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxaana ka wada hadalnay sidii loogu gurman lahaa dadkii ay abaaruhu saameeyeen – Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibaddiisaba inay ka qaybqaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah”.

famaayo-ololaha-abaaraha-5 famaayo-ololaha-abaaraha-2 famaayo-ololaha-abaaraha-3 famaayo-ololaha-abaaraha-4 famaayo-ololaha-abaaraha-1

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment