3096 Views

U GURMO WALAALKAA, ALLA HA KUU GARGAAREE.

U GURMO WALAALKAA, ALLA HA KUU GARGAAREE.
____________________________________________________________________________

March 12/2017

U GURMO WALAALKAA, ALLA HA KUU GARGAAREE.

 

Sida la wada og yahay waxaa jira Abaaro aad iyo aad u ba bi’iyey Dad iyo Duunyo, abaarahan oo ka dhacay meeelo badan oo ka tirsan dalka, waxaana dadaal badan loo galay sidii loo bad baadin lahaa umada ay wax yeelada ka soo gaartay Abaartan ba’an.

Hadaba waxaa laga Codsanayaa umada Somaaliyeed meelkasta oo ay joogto in ay kordhiyaan dadaalkooda wax ku oolka ah, si loo badbaadiyo walaalahooda dhiban, waxaa xaqiiq ah in ay umada Somaaliyeed isku filantahay hadii ay si daacad ah isu SAACIDAAN, mana loo baahna in la sugo kaalmo shisheeye.

War iyo dhamaan waxaa inoo balan ah qofkasta in uu Maalin Qado si aan u Quudino walaalaheyn, waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa walaalaha Alla wax siiyey in ay laba jibaaraan dadaalkooda.

Waxaana xaqiiq ah in si dhibyar looga bixi doono dhibkan hadii si wada jir ah loogu gurmado,  Somalidu waxay tiraahdaa “Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan”

Hadaba dar daarankeenu waa, Somaaliyey “dadaalay Horumar lagama daalee dadaalay, Darxumada layskuma Nacee dadaalay, Dumar iyo Ragow dadaalay, Dulinimada aan ka baxnee dadaalay, Darajiyo daryeel aan helnee dadaalay, walaalayaal dadaalay.

W/Q  Cumar M. Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment