3849 Views

Boqorka Jordan oo eedeeyay Israa’iil Kadib markii uu furmay Shirkii Jamacada Carabta

Boqorka Jordan oo eedeeyay Israa’iil Kadib markii uu furmay Shirkii Jamacada Carabta
____________________________________________________________________________

Anan, Jordan | Maarso 29, 2017 – Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Cammaan ee Boqortooyada Jordan shir madaxeedka 28aad ee Hoggaamiyeyaasha Carabta, iyadoo shirkan uu yahay kii u horeeyay ee muddooyinkan ay isugu yimaadaan Hoggaamiyeyaal badan oo ka socota 22-ka dal ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ay ka mid yihiin Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi iyo hoggaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah xaalada bariga dhexe, sida arrimaha Falastiin, Suuriya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo dhamaan dalalka Bariga Dhexe ay caqabado kala kulmaan.

Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay in aysan nabad ka dhalan doonin bariga dhexe inta laga dhisayo dowlad Falastiniyiintu leeyihiin, taasoo loo marayo xalka labada wadan ee Israa’iill iyo Falastiin, taasi oo sal u noqon doonta heshiis nabadeed oo dhex mara carabta iyo israa’iil

Waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay wali wado dhismayaasha sharci darada iyo deegaameynta dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaana uu tilmaamay in sii socoshada dhismayaasha ay ka wado daanta Galbeed ay caqabad ku noqoneyso nabada iyo xasiloonida Gobolka.

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa la filayaa inay qaraar wada jir ah ka qaataan isku Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku taageerayo in magaalada barakeysan ee Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona shir madaxeedka Carabta, isagoo weydiisan doona wadamada carabta, inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya.


 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment