5802 Views

Amar ka Soobaxay Xafiiska Madaxweynaha oo lagu Bedelay?

Amar ka Soobaxay Xafiiska Madaxweynaha oo lagu Bedelay?
____________________________________________________________________________

April 6, 2017

Amar ka Soobaxay Xafiiska Madaxweynaha oo lagu Bedelay?

Somaalidu waxay tiraahdaa “aqooni waa  awood, caqlina waa itaal”

Amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay, Gudoomiyaha Gobolka Bannaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, iyadoo la muujinayo isbedelka cusub ee dowlada.

Sida la wada ogyahay,  Shacabka Somaaliyeed waxay aad u hadal hayaan sida uu noqondoono isbedelka cusub ee laga sugaayo dowlada iyo sida loo kala hor marindoono wax ka qabashada dhibaatooyinka jira ee u baahan in si deg deg  wax looga qabto.

Hadaba waxaa Xilka laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, waxaana loo magacaabay Gudoomiye Cusub, iyadoo la isweydiinayo isbedelkan cusub muxuu ka bedeli doonaa dhibaatooyinkii soo jireenka ahaa ee jiray Gobolka banadir, una baahan in si deg deg ah wax looga qabto, waxaa kaloo mudan in la isweydiiyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bannaadir mayahay DHAQTARKII daaweyn lahaa CUDURADA ku raagay G. Banaadir.

Waxaa sidoo kale loo magacaabay Taliyayaal cusub laamaha kala duwan ee ciidamada Dalka, sida la ogyahay Ciidanku waa Laf dhabarka dalka, mana jiro dal dhisan ama dhismi kara Ciidan la’aan, sida la og yahay majiro ciidan u dhisan Somaaliya, waana  Caqabadaha hortaagan soo celinta Midnimada iyo kala dambeynta Dalka, si loo helo nolol CIZI iyo Karaama leh.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Shaqsiyaadka loo dhiibay ciidamada kala duwan, mayihiin shaqsiyaad Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh hogaaminta iyo howl gelinta Ciidamada, waayo ciidamadu waxay u bahanyihiin dib u dhis iyo howlgelin u bahan Aqoon iyo Dacadnimo.

Shaqsiyaadka ugu shaqada badan Masuuliyiinta dowlada waa Hogaamada ciidamada, si loo sugo Amaanka guud, waana shaqo u baahan in la geliyo aqoon iyo waqti ku filan, waayo sida aan wada ognahay CIIDAMADA  AMISOM waxay jogaan Somaaliya waqti aad u dheer , waxayna ahayd in ay gutaan waajibaakii loo igmaday ee ahaa soo celinta Nabada, ilaa iyo hadana waxay joogaan xerooyinkii ay joogeen 10 sano ka hor.

War iyo dhamaan, waxaa mudan in la isweydiiyo Gudoomiyaha Bannadir iyo Taliyayaasha Cusub mayihiin shaqsiyaad ka soo bixi kara howlaha loo igmaday, mise waxay noqon doontaa  oraahdii ahayd  “nin maqan tabidiis waa nin jooga ceybtiis”, waxaa xaqiiq ah in loo bahan yahay masuuliyiin kasban karta kalsoonida Shacabka, soona celin karta Nabada iyo kala dambeynta dalka u baahan yahay.

Halku dhigeenu waa “Daryeelow dadaal, dumiyow nadaa”

W/Q  Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment