2175 Views

Qaban Qaabada Shirkii Ugu Horeeyay ay Isku Horfariisanayaan Doowlada Cusub iyo Maamul gobadaleedyada Oo Laga Dareemaya Muqdisho

Qaban Qaabada Shirkii Ugu Horeeyay  ay Isku Horfariisanayaan Doowlada Cusub  iyo Maamul gobadaleedyada Oo Laga Dareemaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 14, 2017- Waxaa Saacadihii aynu ka soo gudubnay soo gaaray Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya, si’ ay ugu qayb galaan kulan la filayo inuu Berrito ka dhaco Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London, kaas oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Britain ayaa safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxanay Gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer Magaalada London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee kulankan oo ka qabsoomi doona Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa noqonaya markiisii ugu horeeyay oo Farmaajo uu si toos ah u horfariisto Madaxda Maamul Goboleedyada.
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment