2805 Views

DHAGAYSO:-Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Howlo Kormeer ah Ku Tagay Visha Geverno

DHAGAYSO:-Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Howlo Kormeer ah Ku Tagay Visha Geverno
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017-Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta kormeeray xafiisyadda ay ku shaqeyso dowladda Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha oo ay wehlinaayeen Gudoomiyihii Hore gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa mid mid u dul istaagay Xafiisyadda dowladda Hoose ee Visha Geverno.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Banaadir sida Xarunta Dabdamiska iyo goobo ay yaallaan Gaadiid cusub oo dhawaan lagu Wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir.
Kormeerka ayaa Gudoomiyaha cusub waxaa ku wehlinaayay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

HALKAN KA DHAGAYSO:-

 

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ka warbixiyay Kormeerka uu sameeyay gudoomiyaha Cusub.

Gudoomiyaha cusub ayaa lagu waddaa in uu Caawa xilka la wareego.

3

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment