3060 Views

DAAWO SAWIRADA:- Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay xuska 15-ka May ee ka socota aqalka dowladda Hoose ee Xamar

DAAWO SAWIRADA:- Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay xuska 15-ka May ee ka socota aqalka dowladda Hoose ee Xamar
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  15, 2017 – Munaasabad ballaaran oo lagu weyneynayo maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo xuska ururkii gobonnimo doonkii Soomaliyeed ee SYL, taas oo ay ka qeyb-galaan  madaxweynaha Jaamhuuriyadda iyo madax kale, ayaa ka socota xarunta aqalka dowladda ee Hoose ee Xamar.

Munaasadda xuska 74-guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ururkii dhallinyarada ee SYL sannadkii 1943, oo ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee bilowdey halgalkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed oo markii dambe dalka looga xoreeyey heeryadii gumeysteyaashii dalka ku sugnaa, ayaa la weyneynayaa, waxaana joogta masuuliyiin uu ugu  sareeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo madax kale.

Munaasabadda waxaa joogta fannaaniinta Hobolada Danan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraa Soomaaliya oo soo bandhigaya heeso ka hadlaya muhiimadda xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran, iyadoo ay sidoo kale joogaaan dhallinyaro Soomaaaliyeed oo meelo kala duwan ka timaaadey.

159A6464 159A6499

159A6452 159A6456 159A6464 159A6493

159A6433

159A6447

159A6504

159A6488

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment