3825 Views

Xildhibaanada kubahoobay Madasha Horusocod oo ku qul qulaya Magaalada Nairobi

Xildhibaanada kubahoobay Madasha Horusocod oo ku qul qulaya Magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 17, 2017 – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, gaar ahaan kuwooda taabacsan Madasha Horusocod, ayaa weli ku qul qulaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

88 Xildhibaan, ayaa Axadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madasha Horusocod, waxayna gudoomiye u doorteen Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Xildhibaanada gaaraya Magaalada Nairobi, ayaan weli kala cadayn mowqifkooda dhabta ah, balse ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in ay ku mowqif yihiin Xildhibaanada Madasha Horusocod.

Xildhibaanada Labada Aqal oo fasaxoodii 1-aad ku guda jira, ayaa Magaalada Nairobi ka wada olole siyaasadeed, oo ay ku saluugsan yihiin dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Xildhibaanadan, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hadafkoodu ugu muhiimsan uu yahay, in la dhiso xisbi mucaarad ah, oo aqlabiyad ku leh Baarlamaanka.

Dowladda Dhexe, ayaan wax war ahi ka soo saarin ololaha ay Xildhibaanada mucaaradku ka wadaan Magaalada Nairobi.

.

.

.

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment