2961 Views

DAAWO SAWIRADA :-Xildhibaanada ku bahoobay Madasha Horay u socod oo kulan ku yeeshay Muqdisho

DAAWO SAWIRADA :-Xildhibaanada ku bahoobay Madasha Horay u socod oo kulan ku yeeshay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Xildhibaanadii ku bahoobay madasha Horay u socod, ayaa waxa ay ku beeniyeen inay yihiin mucaarad qorshahoodana uu yahay inay dumiyaan Dowladda cusub.

Xubnahan oo kulanka isugu yimid Hotelka Muqdisho Guest House, ayaa waxa ay ku sheegeen in qorshahooda uu yahay madal la doonayo in looga dhamaado Qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn Dowlad Dumis.

Madashan ayey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Shir gudoominaayay kulankaasi ay yeeshen Xildhibaanada Madasha horay u socod, ayaa waxa uu sheegay in markasta muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam Soomaalida oo dhan si isku mid ah wax ay ku qaybsanayaan.

Ilaa Bisha July ayey sheegeen in ay madashan furan tahay,waxaana ay ujeedadoodu ku sheegeen in laga gudbo qabyaaladda loona gudbo hannaanka Axsaabta,madashana loo dhisay in ay muujiso kaliya  dhaliilaha togan ee dowladda.

Xildhibaanadan ayaa maalmo ka hor Nairobi kaga dhawaaqay madashan cusub, taasi oo dareen galisay madaxda Dowladda, maadaama xubnaha hormuudka u ah madashan qaarkood ay horay u waayeen xilal Dowladeed oo ay u tartameen.

 

i l m o q

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment